Gudoomiyaha Maxkamada Sare Jsl Oo Bahda Garsoorka Iyo Qoyskii Uu ka Baxay Ka Tacsiyadeeyay Marxuum Sheekh Faarax Nuur Maxamed Oo ku Geeriyooday Dalka Hindiya, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Jsl Oo Bahda Garsoorka Iyo Qoyskii Uu ka Baxay Ka Tacsiyadeeyay Marxuum Sheekh Faarax Nuur Maxamed Oo ku Geeriyooday Dalka Hindiya,
January 9, 2018 - Written by Editor:

“Innaalilaah Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.

HARGAYSA (W,N) Gudoomiyaha maxkamada sare  Ahna Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga ah Ee Somaliland Dr Aadan Xaaji Cali ayaa isagoo ku hadlaya magaciisa magaca Bahda Garsoorka Somaliland wuxu Tacsi Tiiraanyo leh udiray Qoyskii iyo qaraabadii Uu Ka Baxay  Garyaqaan Marxuum Sheekh faarax Nuur Maxamed Oo maanta ku geeriyooday Dalka Hindiya halkaasi  Dhawaan Xaalad Caafimaad Loo Geeyay Marxuumka,

Waxaan Dhambaal tacsi ah u dirayaa eheladii, asxaabtii,bahda garsoorka iyo shacabka somaliland ee uu ka baxay marxuun Sheekh Faarax Nuur Maxamed oo ku geeriyooday Hargeysa, marxuunka ayaa mudo dheer garsoore ka ahaa maxkamada gobolka Hargeysa isaga oo wakhi xaadirkana ahaa garyaqaan.

Waxaan ilaahay u waydiinayaa marxuunka inuu ku abaal mariyo hawshii uu qaranka u qabtay iyo camalkiisii wanaagsana, waxaanan eheladiisa, bahda garsoorka iyo shacabka somaliland ilaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuunkana janooyinkiisa ku casuumo.”

 

AAMIN AAMIN

COMMENTS
LINKS