Kala Duwanaanshiyaha Somaliland Iyo Shan La Jaar Ah Ee Dhinaca Mashruuc Siyaasadeedka Madaxnimo W/Q: Maxamed Hagi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kala Duwanaanshiyaha Somaliland Iyo Shan La Jaar Ah Ee Dhinaca Mashruuc Siyaasadeedka Madaxnimo W/Q: Maxamed Hagi
January 10, 2018 - Written by Reporter:

Somaliland waxa ay jirtaa 26 sano waxana ay yeelatay shan Madaxweyne. Macnaha mashruuc siyaasadeed ee ay leedahay waa in shantii sano iyo labadii biloodba hal mar ay Madaxweyne cusub yeelaneysay! Waa markhaati cad oo sheegaya in aan Somaliland sinaba loo kala yeelan hore, hadda iyo hadhow toona.

 

hagi

Itoobiyada cusubi waxa ay iyana jirtay 26 sano – waxa soo maray labo Raysal Wasaare – nidaamka oo ah nidaam wakiili ah (Parliamentary System) darteed. Macnaha mashruuc siyaasadeed ee ay leedahay waa in 13-kii sano hal mar ay Raysal-Wasaare yeelan karto.

Jabuuti waxa ay jirtaa 41 sano – waxa soo maray labo Madaxweyne. Macnaha mashruuc siyaasadeed ee ay leedahay waa in labaatankii sano iyo shantii bilood ee walba (20.5 sano) hal mar ay Madaxweyne cusub yeelan karto.

 

Kenya waxa ay jirtaa 55 sano – waxa soo maray afar Madaxweyne. Macnaha mashruuc siyaasadeed ee ay leedahay waa in ku dhawaad 14 sano hal mar ay Madaxweyne cusub yeelan karto.

 

Eritrea-da cusubi waxa ay dhalatay 1993 – waxa ay jirtaa 25 sano. Macnaha mashruuc siyaasadeed ee ay leedahay waa in hadba cidda qabsataa ay fursad u haysato in ay weligeedba iska sii haysato.

 

Yemen oo wixii ka horeeyey 1990 ahaa labo qaybood – Waqooyiga Yemen oo aas aaskiisu ahaa 1918 iyo Koonfurta Yemen oo aas aaskeedu ahaa 1967 waxa taariikhda dawladnimada casriga ah loo ga bilaabaa 1990 markii ay midoobeen labada dhinac.

 

Sidaa marka ay tahay xaajo – waxa ay jirtaa 28 sano – waxa soo maray hal Madaxweyne oo ay gacantiisa aakhirkii ku burburtay. Macnaha mashruuc siyaasadeed ee ay leedahay waa in ay la nooc tahay Eritrea oo ay aad u nasiib-darran tahay.

 

Waddamada shanta ah waxa aan u soo qaatay in aan ku maskax kobciyo wiilka dhallinyarada ah ee xisbi mucaarid ah oo doorasho waayey hal mar u haysta adduunyadii oo dhammaatay. Wiilka iyo cid wal oo kale oo la qabta fekerka kan oo ku nasiib-darraysatay in ay fahmaan kala duwanaanshiyaha dhaqan siyaasadeedka mandaqadda ay ku nool yihiin iyo Somaliland.

 

Ma jiro xisbi mucaarid ah oo si fiican u abaabulan wax doorasho u ga dhawi – marka ay noqoto mashruuc siyaasadeed xilliyo doorasho iyo isbeddel dawladnimo oo kursi si nabdoon la gu la kala wareego. Adeer ha nicin dalkaaga ee baro taariikhdiisa iyo tan mandaqadda si indhuhu ay si fiican ay kuu gu furmaan – yaan la gu waraabin qabiil iyo war aan jirin – adiga ayaa leh Somaliland.

 

Ha qoonsan naftada oo yaan nin aan wax badan fahamsaneyni oo isaguba naf la caarid ahi maanka kaa xadin – Ogow in aad Somaliland adigu leedahay cid kaa xigtaana aaney jirin. Ilaasho oo yaan la gaa xigtaysan meeshii Alle kugu beeray – ha u jabin ninka sidaa kula raba waa la gu gumoobaa eh. Sug samirka iyo siyaasaddu waa walaalo e, ha khalkhalin khuraafaadku waa kharbudaha iyo khasaaraha guusha berri eh.

 

Qalinkii: Mohamed Hagi Mohamoud

 

COMMENTS
LINKS