Madaxwaynaha JSL Oo Tacsi Ah U Diray Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Aadan Siciid Maxamed (Aadan Dooc) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha JSL Oo Tacsi Ah U Diray Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Aadan Siciid Maxamed (Aadan Dooc)
January 11, 2018 - Written by Reporter:

TACSI MADAXWEYNE:11/01/2018
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

tacsi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Siciid Maxamed (Aadan Dooc) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 11/11/2018, Gobolka Togdheer Magaalo madaxdiisa Burco.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay shacbiga iyo qaranka Somaliland, door muhiimana ku lahaa halgankii, nabadayntii, dib u heshiisiintii iyo dib u dhiskii dalka. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin.

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.

 

 

COMMENTS
LINKS