Ma Dhabaa In Xilka Laga Qaadayo Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Dhabaa In Xilka Laga Qaadayo Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargaysa!!
January 12, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)  Khilaaf Xoogan ayaa Mudooyinki Udanbeeyay Udhaxeeyay Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Soltelco Iyo Xoghayaha Dawlada Hoose Cali Xasan Cawaale kaasi oo khilaafkoodu Gaadhay In Xukuumada Dhexe Soo Dhexgasho Balse Muu Noqon  mid Halkaa ku Istaaga  Ee Waxaa Isna Dhiniciisa Abaabul iyo kicinta Xubno Difaaca kursigiisa Bilaabay xogahaye cali kuwaasi Maalmihii Udanbaysay Warbaahinta lagu arkayay xubno ku hadlaayayHab Deegan oo difaacaya Xogahaya Ismarkaana Eedo Culus ujeedinaya Maayarka.  Taasi oo sida la sheegay kkor usii qaaday khilaafkii labadan masuul.

Muranka udhaxeeya Maayarka iyo Xoghayaha ayaa Dhanka kale Sbobay in Shaqadii Dawlada Hoose usocon waydo Si Habsamiya Taasi oo  mudadaa  uu Aloosnaa Khilaafkooduba Aanay gabi ahaanba shaqadu  ahayd mid aan waxba ka socon

Hadaba Wararka Aanu ka Helayno Khilaafka Cakiran Ee maayarka Iyo  xoghayaha ayaa Tibaaxaya in  Wasaarada Arimaha Guduhu ay Talaabo ka Qaadayso taasi oo xogahani tibaaxeen In gabi ahaanba Shaqada laga Cadhinayo xoghayaha Dawlada Hoose Cali Xasan Cawaale  iyadoo lafilayo wakhtiyada soo socda in ay soo magacaabaan badalka Xoghayahan hore.

Sidoo kale Xogahaye Cali ayaa Dhankiisa Noqday Masuul ku Haftay Shaqadii Loo igmaday  Waxayna  taasi Qayb ka noqotay Arimaha  xiligan soo Da dajiyay in shaqada Laga Eryo.

Dhanka kale Bulshada caasimada ayaa Sidhow ula socotay khilaafkan labada masuul oo noqday mid saameeyay habsami Usocodka hawlihii loo igmaday  iyadoo marwalbana ay hadalhaystiisu Taagnayd

 Si cad looma oga xiliga rasmiga ah ee lafilayo in ay talaabani kasoo baxayso  wasaarada Arimaha gudaha oo Iyadu Leh masuuliyada magacaabida xoghayayaasha Dawladaha Hoose .

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WARIYE HAMSE JIRDE

COMMENTS
LINKS