“Waxa Jira Laba Kooxood Oo Qasriga Djabouti Dhexdiisa Ku Kala Aragti Duwan Aqoonsiga Somaliland” Sheekh Cabdiraxman Bashiir | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxa Jira Laba Kooxood Oo Qasriga Djabouti Dhexdiisa Ku Kala Aragti Duwan Aqoonsiga Somaliland” Sheekh Cabdiraxman Bashiir
January 12, 2018 - Written by Editor:

Sheekh Cabdiraxman Bashiir oo ka mid ah Culimada Dalka Djabouti oo ku nool wadanka Keneda  ayaa Warbixin dheer oo uu ka qoray safarka Madaxweynaha Somaland Md. Muuse Biixi Cabdi ku tegey dalka DJabouti  ku sheegay inuu yahay mid aan ujeedadiisu cadayn oo ay ka dhalan karaan kun su’aalood.

Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir wuxuu intaa ku daray inay mudan tahay in la is weydiiyo qaabka uu ula tacaamulo dalka DJabouti Somaliland  oo uu ku sheegay sidan; “ Dalka Djabouti ma aqoonsana Somaliland haddana wuxuu ula dhaqanta sidii dawlad ay aqoonsan tahay waana waxyaabaha keenaya iska hor imaadka mawqifka Djabouti, arrintaasina waa mid ka dhalatay loolan gudaha qasriga madaxtooyada  Djabouti ka taagan oo ah in marka la joogo qadiyada Somaliland ay jiraan laba dhinac oo isku haysta aynu aqoonsano oo aynu ula dhaqano siddii dawlad oo kale iyo  yey naan  aqoonsan”.

Sheekh cabdiraxnam-bashiir-

Sheekhu qoraalkiisan oo aad u dheeraa oo uu ku baahiyey barta u face book-ga ku leeyahay  ayuu ku daray “Arrintaasi waxay si cad uga muuqatay qaabkii loo qaabilay madaxweyne Biixi oo ahaa hab uu u dhamaystiran yahay  borotokoolkii madaxweynayaasha lagu qaabili jirey waana mid ay dabada ka riixayeen  kooxda ogol in la aqoonsado Somaliland iyo  inuu madaxweyne Geelle si rasmi ah u qaabilo madaxweyne Biixi.

Madaxwenye Geelle wuxuu u direy wasiirka arrimaha dibadu inuu ku soo dhex qaabilo diyaarada halka uu isagu ku sugayey qolka fadhiga taasina waa mid muujinaysa labada siyaasadood ee isku dhex qasan ee ay kala wataan labada garab ee gudaha maamulka ku kala aragti duwan qadiyada Somaliland.” Ayuu yidhi Sheekhu.

Sheikh Cabdraxman waxa kale oo intaa ku daray in dhulka Djabouti had iyo jeer laga diyaariyo  dadka noqonaya xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda dhinaca Somaliland iyada oo dhinaca kalena ay jiraan xubno  ula dhaqma  qadiyada Somaliland si wanaagsan, arrimhaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin waxyaabaha keenaya inay Djabouti si taxadir leh hula socoto Somaliland. Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa; “ Sidaadarteed ayuu wasiirkii hore Mudane Cali Cabdi Farax oo xubin ka ah xisbul xaakimka u sheegay erey muhiim ah oo ahaa muhiim maaha in aanu adduunka aqoonsan Somaliland laakiin muhiimadu waxa weeyaan in aad idinku naftiina aqoonsateen sidaa si la mid ah ayuu yidhi  wasiirku dhawr sanno ka hor markii u shirkii carta socday inay Djabouti diyaar u tahay inay Somaliland aqoonsan doonto haddii ay ka soo qayb galaan shirkii carta ee sannadkii 1999-kii.”

Dhinaca kale waxa u sheegay in madaxweyne Geelle u kula dhaqmo dhammaan gobolada kala duwan ee Somaliya siyaasad aamusnaan ah oo aan niyad badan u hayn waxyaabaha ka dhacaya inkasta oo  arrinta Somaliland ay ka duwan tahay maadama ay ku dhawaaqeen inay gooni  u istaageen.

warbixinta oo dhammaystiran waxa aad ka heli kartaa bogga sheekhu  facebook-ga ku leeyahay.

WAXAA DIYAARIYAY  CABDILAAHI BEERSHIYA

COMMENTS
LINKS