Barnaamijka Kaftanka Siyaasada: Mindi Laba Af Leh: Qalinkii Cabdilaahi Beershiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Barnaamijka Kaftanka Siyaasada: Mindi Laba Af Leh: Qalinkii Cabdilaahi Beershiya
January 12, 2018 - Written by Editor:

Barnaamijka Kaftanka Siyaasada ee u soo jeediyo wariyaha lagu magacaabo Cali Xaraare oo ka mid ahaa wariyayaashii ka hawl geli jirey  qaar ka mid ah laamaha   Af-soomaaliga ku baxa ee idaacadaha caalamiga ah ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxa barnaamij uu u bixiyey Kaftanka Siyaasada ku falanqeeyaa dhacdooyinka ka jira dhulka soomaalidu degto gaar ahaan  Soomaliya iyo Soomaliland.

Inkasta oo aanu markii hore barnaamijkiisu i cajabin qaabka uu u soo jeediyo iyo dhiiranaanta qaawan ee ka muuqata oo milgaha saxda ah ee saxaafada ka xaaraan ah haddii aanay cadaymo wadan ayaa waxa aan isku deyey inaan daawado dhawr barnaamij oo kala duwan si aan u fahmo ujeedooyinka qarsoon ee u ka leeyahay barnaamijkan iyo kuwa uu isku dayo inuu muujiyo.

Barnaamijkan waxa  udub dhexaad  u ah Cali Xaraare oo ay ku weheliyaan laba nin oo sida aan u arkay qaabilsan oo  keliya furitaanka iyo xidhitaanka barnaamijka, u jiibinta waxyaabaha u Cali ku hadlo, ku caawinta dhinaca qosolka iyo ka daba subcinta qaar ka mid ah hadalada u sheego, ayaa markii aan u fiirsaday barnaamijka waxa aan isku deyey inaan barbar dhigo barnaamijyada kala duwan ee telefiishanada caalamiga ah ka baxa ee noqon kara kuwo u Cali ka soo dheegtay.

Inta badan barnaamijyada aynu naqaan ee ka baxa telefiishanada kala duwan wax kasta oo ay sheegayaan waxay ku qotomaan cadaymo iyo waxyaabo kaabaya cadaymahaas      (Supportive Documents) laakiin barnaamijka kaftanka Siyaasadu waa aragtida Cali Xaraare uu ka qabo dhacdada uu ka waramayo  oo aan ku dhisneyn mid uu meel ka soo akhiryey amma xaqiiqdooda u helay tusaalena waxa inoogu filan barnaamijkii u dambeeyey  ee uu kaga hadlayey wasiirada arrimaha guddaha iyo arrimaha dibbeda ee Soomaaliya oo xilkii laga qaaday sida Yusuf Garaad oo ku sheegay inay ahaayeen niman iska baashaali jirey isaga oo soo bandhigay xaflad aroos oo lagu casuumay, xataa wuxuu meel kaga dhacay dadka xafladaa dhigtay  oo  aanu xurmayn casuumada ay u fidiyeen wasiirada isaga oo ku tilmaammay xafladaas siddii meel loo loofar tegey oo kale.

Haddaba marka aynu u nimaadno barnaamijyada uu qofka keli ah wax  ku falanqeeyo ee adduunweynuhu yaqaan waxa ugu awood badnaa barnaamijkii ka bixi jirey BBC-da ee la odhan jirey Letter From America oo u sii deyn jirey wariye caan ahaa oo la odhan jirey Alistair Cooke isaga oo si waafi ah uga hadli jirey taariikhda, siyaasada,  dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee dalka Maraykanka intii u dhaxaysay 1946-kii ilaa 2004-tii.

cabdilaahi beersiya

Uma malaynayo inuu Cali ka soo dheegtay barnaamijkiisa kuwaas oo kale laakiin waxa aan is leeyahay waa mid ka mid ah noocyada loo yaqaan Comedy Shows oo lagu casuumo dadka codka  dadka kale metela amma qaabkooda isku eekaysiya ee aan arrimaha ka eegin dhinaca falanqaynta siyaaasada sidaa darteed waxa aan ku soo ururiyey barnaamijka kaftanka siyaasada  arrimahan soo socda:

Marka kowaad maaha barnaamij Meesha lagu diyaariyey waanaagsan tahay waayo saddexda wariyeba waxay ka soo wada jeedaan dhinac keliya iyaga oo  u eeg siddii ay masrax dad kala hadlayaan amma hadal meel ka jeedinayaan.

Wax door ah kuma laha labada nin ee kale marka laga reebo Cali oo isagu hadalada u dhigaya sidduu doonayo.

Had iyo jeer wuxuu ku fooraraa warqada iyo telefoonka gacanta oo si wanaagsan dhinaca kamaradu ka xigo uma soo eego sidoo kalena wuxuu sitaa mar walba  warqad yar oo aad u itaal daran oo aanu miiska dul saarin oo uu kolba qalin ku sax saxo.

Waa barnaamij aanu ku ixtiraamin dadka oo siday aniga ila tahay inta badan wuxuu kaga hadlaa dad ay isaga amma cid ay wax isku yihiin arrini dhex martay sida Yusuf Garaad oo u ku tilmaamo inuu dadka ugu hanjabi jirey idaacada BBCda dhawr barnaamij oo kala duwana u ku soo celiyey arrintaas.

Waxa intaa u dheer waxa u si joogto ah u cabaa biyaha saaran miiska hor yaal taas oo aan u malaynayo inay ugu wacan tahay inuu si xoog ah u kordho garaaca wadnihiisu marka u barnaamijka bilaabo oo arrimaha qaar u ula fal gelayo si dareen cadho leh ku jiro waana sababta aynu ugu tilmaanay inuu ku aar goosanayo barnaamijyadiisa sida ay ku tilmanaantay  qoraalo waaweyn  prof. Tamara Hew-Butler oo shahaadada PhD-da ku haysata aqoonta  Science-ka marka ay dadku ugu biyo cabida badan yihiin kana tirsan jaamacada Oakland University

Waxa ka muuqada inuu yahay wariye aanay heshiin dadka oo arragtidiisa ku dhegen waana sababata uu ugu hakan waayey qaar ka mid ah idaacadaha iyo tefiishanada u la sheqeeyey sidaa dareteed ayaa laga yaabaa in maalmaha soo socdana u wax ka sheegi doono rag ay wada sheqeeyeen sida Cabdiraxmaan Yabaraw oo madax ka ah idaacada VOA-da .

Cadaalad xumada barnaamijka kaftanka siyaasada waxa ka mid ah inuu isku meel dhigo wax uu ugu yeedho maamulka Khaatumo iyo maamul goboleedyada Somaliya iyo Somaliland oo aanu mar keliya ku ixtiraamin Somaliland inay yihiin dad wax qabsaday sidaadareteed ayuu barnaamijka kaftanka Siyaasadu u muuqadaa hadaladii madaxda koonfurtu ka yidhaahdaan Somaalilaan oo u leeyahay nin soo xidhay shaadhka wariyenimo.

Wuxuu awooda saara markuu Somaliland joogo wax uu u yaqaan beelaha darafyada isaga oo marar badan sheega hadalo aan jirin oo xaqiiqdaka fog sida in wasiirkii hore ee waxbarashada Somaliland Cabdilahi Dheere gaadhi u leeyahay dawlada Muuse Biixi ka soo qabatay magaalada Xariirad, maadama u ka soo jeedo gobolka Awdal sidoo kale loo ogolaaday wasiirkii hore ee maaliyada Samsam Cabdi Adan iay gaadhi lacag ah ula talawdo dalka Djabouti iyada oo aan waxba la odhan.

Marka aynu qiimeyno hadalada noocaas ah ee u leeyahay nin isku sheegaya inuu wariye yahay waxa Meesha ka muuqata inuu abuurayo naxli  iyo uur xumo aan saxahayn amma aan xaqiiqda ku fadhiyin, waana waxyaabaha ugu horeeya ee ninka wariyaha ah looga digo marka la barayo anshaxa saxaafada.

Markii u sannadku dhammaday waxa u barnaamijkkiisa ku sheegay inuu yahay ka ugu daawashada badan isaga oo aan inoo sheegin qaabka u ku helay xogtaasi oo sida aynu wada ognahay qiimeynteeda iska leeyihiin xarumo ku takhasusay laakiin waxa aan u malaynayaa inuu qiimeyntaa ka eegay inta qof ee ka gashay inertnet-ka amma saaaxiibada Cali Xarare ay muqaxiyaha ku kulmaan oo u sheegtay inay aad u daawadaan .

Waxa nasiib daro ah  in barnaamijka waxyaabaha aad ku soo bandhigaysaa  ay marar badan runta ka fogaadaan amma qofku ku aar goosto hadalada u barnaamijka ka leeyahay  waana ta u eekeysiisay barnaamijka Cali Xaraare barnaamijyada ay sii daayaan nimanka wariyyaasha ah ee taageersan madaxweynaha Masar Siisi iyaga oo soo bandhigaya muuqaalo kooban iyo hadal badan oo aan xikmad badan ku fadhiyin.

Ugu damben waxa aan ku soo gebogebeynayaa in maanta dhibaatada dadka Soomaalida haysata ay ugu horeyso dibindaabyada ay ku hayaan dadkii indhaha u nqon lahaa sida wariyayaashii, qaar ka mid ah culimadii, siyaasigoodii, tujaartii iyo aqoonyahankooda oo reer dabada geliyey inta kalena u arka in ay cadaw u yihiin.

COMMENTS
LINKS