Maayarka Magaalada Gabiley Oo Caqabad ku Noqday Maashaariic Horumarineed Oo Gobolka Laga Fulinayo Iyo Dareenada ka Taagan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Magaalada Gabiley Oo Caqabad ku Noqday Maashaariic Horumarineed Oo Gobolka Laga Fulinayo Iyo Dareenada ka Taagan.
January 12, 2018 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)  Maayarka Magaalada Gabiley  Maxamed Amiin Cumar Cabdi  oo Imika ilaa  muda laba sano iyo Dheer  ah Gudoomiyaha Golaha deegaanka degmada Gabiley isla markaana ahaa masuul bulshada reer Gabiley u rajo waynayd in uu mar  uun noqdo maayarka magaalada taasi oo ay ka qabeen in uu yahay  dhalinyaro mudana ka dhex muuqday ururada bulshada ee ka shaqeeya adeegyada arimaha  bulshada xiligaasi oo uu ahaa xubin firfircoon.

maayarka gabiley gabiley picture

Marka laga Tago filashada Bulshada Reer Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi Wuxu Noqdy Maaayarka Magaalada Gabiley Waxaana Xiligan Ka soo Baxay ficilo Badan oo Bulshada Reer Gabiley hadba Qofka ay ku Cusub tahay uu hoos Ugu sheego Bushada Inteeda Kale  isagoona ay ku adkaatay sheegida Waxa Uu Kala kulmay  iyo kala fogaanshaha Xildhibaan Maxamed Amiinkii Shalay Iyo Maayar Maxamed Amiinka Maantu!!

Maayarka Magaalada Gabiley Ayaa Sida ay wararka Aanu ka Helaynaa Xuseen in uu Si badheedha Oo Baalmaransan Habka Wadashaqayneed ee Ururada Bulshada Iyo Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley taasi oo xiligan gabi ahaan Hor istaagay Mashruuc ay  NGO Caalamiya iyo qaar ka mida Ururada Bulshada Ee Goboka Gabiley Damacsanaayeen in ay ka Hirgaliyaan Gabiley, iyadoo mashaariicda ay Gabiley ka fulinayeen ay ugu mudnayd sida ay xogahani tibaaxeen  dhismaha xarun lagu barto farsamada gacanta iyo sidoo kale mashaariic kale oo bulshada reer Gabiley waxtar muhiim ah  u leh.

Dhalinyarada Mashaariicdan wada ayaa ah kuwo isku xil Qaamay sidii ay Gabiley ula tartami lahayd gobolada dalka

Lama Garanayo Sobobta rasmiga  ah ee keentay in uu maayarku ka horyimaado qorshahan wax ku oolka ah , iyo dabcan ficilada kale ee uu sida hoose u hurinayo.

Dhanka kale maayar Magaalada Gabiley ayaa bilaabay sidii uu iskaga horkeeni lahaa dhalinyarada reer Gabiley isagoo wararka aanu ka helay dhacdooyinka uu ku kacayo mudooyinkan danbe ay kamid tahay abaabulka qaar kamida dhalinyarada Gabiley isagoo ku sheegay in ay  isaga kala shaqaynayaan xaga arimaha bulshada.

Halka uu dhanka kale ku wargliyay in ay fadqalalo kala hortagaan ururada kale ee iyagu mashaariic ay kala yimaadeen hayadaha caalamiga mudana  ku hawlaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen fursadan ay u rabshayaan Taasi oo xiligan qarka u saaran in ay sobobto in aan gobolka wax mashaariic ah laga fulin.

Si kastaba ha ahaatee maayarka magaalada gabiley ayaa xiligan u muuqda mid ka baydhay jidkii masuuliyada xilka uu haya kaasi oo badalkeedii ku talaabsaday arimo kala fogaynaya bulshada ku dhaqanka gobolka ,waxaana uu sidoo kale qaaday xanuunka ku dhaca siyaasiyiinta qaarkood oo bulshada wax ka taqaan cilmi Nafsigu ay Ugu Yeedhaan (Isku Muuuqow) kaasi qofka uu Haleelay lagu arko in uu Marwalba la dagaalo Dadka uu u Arko in ay Arimaha gobolka Ka hadlayaan iyo danaha bulshada kuwaasi oo uu u arko in ay wax soo kordhinayaan uu ku qaado gadaalo hoose iyo kuwo dadbanba haday tahay  fagaarayaasha iyo sidii uu u banjarin lahaa waxkasta oo ay qabanayaa.

Sidoo kale Dabeecadaha Qarsoonaa Ee Maayar Amiin Ee xiligan ay bulshada reer gabiley aragtay  kuwaasi oo ah kuwo gabi ahaanba dhaawacaya danaha reer Gabiley iyo isku duubnida bulshada .

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS