Yaa Ka Danbeeyay Fikradda Dagaalkii Soomaliya Iyo Itoobiya Ee Sannadkii 1977-Kii. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Ka Danbeeyay Fikradda Dagaalkii Soomaliya Iyo Itoobiya Ee Sannadkii 1977-Kii.
January 13, 2018 - Written by Editor:

“Waakan General Maxamed Nuur Galaal oo ka sheekaynaya arrintan , mar uu waraysi siinayay suxufiga ruugcadaaga ah ee  maxamuud cabdi ducaale, Anna aan Qoraal ahaan Idinku soo koobay wuxuu ku Bilaabay siddan”.

 Horta dagaalkaas hal abuurkiisa anaggu maanu lahayn waxaa watay ruushka, midawgii soofiyeti baa lahaa, midawgii soofiyeti markii masar laga saaray ayaa balance-kii powerka ee istaraatiijiga ahaa ee WARSAW IYO NATO ayaa dheeliyay, oo u dheeliyay xagga NAATO, markaa ruushkii waaga ayaa ku baryey waxaay damceen oo goosteen in aay maraykanka ka aar goostaan, sidee baay uga aargoosanayaan , waxaay goosteen (ruushku) in aay khaliijka ka saaraan laga soo bilaabo cumaan, kuwayt, sucuudiga, qorshihii baay markaa dejisteen ciidamaddii iyo wixii ka qayb geli lahaa. go,aan baay markaa soo gaadheen nimankii midawga soofiyeti in aay hawshaas dhaqaajiyaan, yaa ka qayb galaya, waa ciraaq, soomaaliya, koonfurta yemen iyo midawgii soofiyeti oo dhan. Dabeeto anagga waxaa na loo soo diray (waa soomaliyee) ninkii haystay ciidamadda midawga soofiyeti iyo gaashaanbuurtii WARSAW oo dhan, waa yimid iyaddoo markaas aan la ogeyn ayuu soo degay, maalintii uu soo degayba casarkii xafiiskayga ayaan tagay waxaan arkay casuumad taala oo la leeyahay “safaaradda soviet-ka caawa meelaha hal saac (waa 7:00pm) markaay tahay ka soo qayb gal xaflad ka dhacaysa” wax ay tahayna ma aqaan. Waagaas saraakiishu fasax baay u qabtay haddii laga soo Waco safaaradda midawga soofiyeti in ay tagaan, waayo kuwa kale looma ogoleyn.

Wakhtigii markaay ahayd baan soo dhaqaaqay waan u yimid, markaasaan waxaan ugu yimid samatar oo fadhiya (waa maxamed cali samataree) iyo seddex nin oo kala ah ninkii madaxda ka ahaa ciidamaddii badda ee midawgii soofiyeti iyo WARSAW, safiirkii ruushka ee soomaaliya u fadhiyey, iyo ninkii lataliyayaasha ruushka oo dhan madaxda u ahaa, markii aan soo galay ee aan samatar sidaas u arkay, ee aan xaggiisa u jeestay taliyihii ayaa waxaa uu yidhi “ninkani waa gaashaanle sarre maxamed nuur galaal oo hoggaanka sahanka madax ka ah, markaas buu intuu talaabo hore u soo qaaday wuxuu yidhi waar waa shaqsiga ugu xiisaha badan ee ciidanka qaranka soomaaliyeed” general galaal isaggoo hadalka sii wata wuxuu yidhi hadalkaasi wuu i dhibay, maxaa yeelay maxamed cali samatar ayaa maqlaya, samatarna waa dhegaha siyaad barre. Dabeeto annuu waan yaabay waxaa joogay dalka chief of staff-kii oo gollihii sarre ee kacaankana ka mid ahaa cabdalle maxamed faadil looma yeedhin, waar anigga iyo kan (waa samataree) maxaa naloogu yeedhay. Waanu fadhiisanay casho ayuu sii diyaariyey. wuu burqaday markaas wuxuu yidhi “ anagga markii masar la naga saaray balaayaa naggu dhacday haddaanu beesha hanti-wadaaga nahay waa nala qabsan karraa, waa nala burburin karraa xaalkayaggu meel xun buu marayaa, haddii maanta la idin soo weeraro oo la idinku soo duulo idinma soo gurman karno oo waxba idin kuma tari karno, waxaanu samaynay buu yidhi strategic exercise oo ciidamaddayada bada ku samaynay markaas baanu ogaanay buu yidhi in aanu loser nahay, maaynu sugaynaa buu yidhi inta la inagga gawracayo, ma sugayno, waa in aan iska dhicinaa nimanka waa in aan ka aargoosanaa markaas buu qorshaha oo dhan noo sheegay.

Wuxuu yidhi maalinta la isla afgarto ciraaq waxaay qabsanaysaa kuwayt, anagguna haddanu ruushka nahay 73 meelood oo halbawle ah ayaanu sucuudiga ka qarxinaynaa isku mar, dadkii qarxin lahaa iyo wixii lagu qarxin lahaana meesha ayay isla hadda ku sugan yihiin (waa sucuudi gee) haddanu taas samaynana waanu hubnaa buu yidhi in wiilasha boqoradda ahi airport-ka ku wada cararayaan. Cumaan iyaddana waxaa ku duulaysa koonfurta yemen oo jabhad baa jirtay xagga xuduuda ka dagaalanta jabhadaasi ayaanu noolaynaynaa buu yidhi.

Intuu anagga nagu soo jeestay buu yidhi waar ma lahaydeen dad iyo dal baa nagga maqan, markaas baanu nidhi “HAA” hadda xoraysta waxaad rabtiina anagga na weydiiya, markaas buu yidhi aaway jabhaddii soomaali-galbeed (UWSLF), markaasa la yidhi duurkaay hadda ku kala baahday, markaasu yidhi hadda ha loo wada yeedho ninkana ha loo dhiibo (waa general galaal ee) waa nabar labaad buu yidhi taasina waayo samatar baa fadhiya (dhegtii siyaad barre). Waayahay baan idhi, wuxuu yidhi subaxana waxaan u tagaya madaxweynaha fariinta waxaan u geynaya isagga, Itoobiya kala tuura buu yidhi. Waayo itoobiya waxaa ku yaalay waliba xagga Eritrea saldhig uu maraykanku ka basaaso ciidamadda ruushka taas waa inaynu burburino weeyi buu yidhi. (F.G: berbera iyaddana waxaa ku yaalay saldhig uu ruushku ka basaasi jiray ciidamadda maraykanka oo si weyn uu maraykanku uga qayilinayay).

Wuxuu yidhi hadda markaan noqdo nin xoghayn ii ah baan soo dirayaa oo operation officer ah si faahfaahsan wuxuu idinku sheegayaa wixii aad u baahnaydeen. Siddoo kale wuxuu yidhi waxaanu qabanaynaa anagguna IRAN waanu ka tuuraynaa maraykanka, sucuudiga iyo dhamaan khaliijka carabta oo dhan waanu ka tuuraynaa intaas oo dhan waanu isku qabsanaynaa isagguna ha joogo masar. Horta dagaalku sidaas ayuu ku bilaabmay.

 

W/Q: Cumar Aadan Ruush

Hargaysa, Soomaalilaan

omerruush@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS