Gelbiskii Geerida! Qaybta 5aad Qalinkii Cabdiqaadir Dayib Askar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gelbiskii Geerida! Qaybta 5aad Qalinkii Cabdiqaadir Dayib Askar
January 14, 2018 - Written by Editor:

University of York, UK

www.abdikadiraskar.com

 Maalin Axad ah oo aan daawanayey filin cusub oo maalmahaas soo baxay ‘Taken 3’ ayaan ku war helay sawaxan badan oo daaradda gurigayga ka baxayey. Shaadhkaygii baan la booday dabadeedna si dhakhso leh dabaqii hoose ugu daadegay.

Waa ciidan aad u tiro badan oo hor-tuman gurigayga. Waxa sheedda iiga muuqanayey walaalkay Abshir oo katiinadaysan, dhinac gaadhigii askartana loo sii wado. Kor ayaan u qayliyey aniga oo ku ordaya dhinacii loo sii waday. Bal se iima ay suurtogelin in aan gaadho waxaana i joojiyey Taliyihii ciidanka. Wuxu iga codsaday in aan ku soo booqdo Saldhiga Qaybta 3aad, ee Eglinton.

Deg-deg ayaan ugu anba-baxay dhankii saldhigga, waa se la ii oggolaan waayey in aan helo faahfaahin la xidhiidha xidhitaanka walaalkay Abshir. Waxa se xan ku maqlay in walaalkay iyo koox kale oo Nayjeeriyaaniyiin ah Maxkamadda la geynayo, loonna haysto kiis xasaasi ah.

Sugitaanka dharaartii xigtay ayaa igu dheeraatay. Miridhadu waxa iiga dhignaayeen sidii aan tirinayo maalmaha sannadka oo dhan. Aniga iyo qoyskaygiina waxa nala soo deristay werwer iyo walaac cusub. Xog dhamaystirana kama aanu hayn waxa walaalkayo galabsaday ee ay askartu u xidhatay.

Maalintii xigtay, ayaanu maxkamaddii ku kalahnay si aanu uga qaybgalno dhagaysiga kiiska dacwadda walaalkayo loo haysto. Waxa mar kaliya soo wada galay Abshir iyo koox dhallinyaro ah oo silsilado lagu xidhay oo aad loo ilaalinayo. Cabbaar kadib, waxa isna soo fadhiistay garsoorihii Maxkamadda oo ahayd islaan iska-dhal ah.

Dooddii baa la amray in ay bilaabanto. Anaggana dhagta ayaa na taagan oo u qaadan-waa baa naga soo hadhay. Walaalkay Abshir iyo kooxdii kaleba, waxa lagu soo oogay in ay weerar ku qaadeen laba arday oo caddaan ah, dhaawacyona gaadhsiiyeen. Sidoo kalena ay burbur gaadhsiiyeen qalabkii jaamacadda. Bal se garsooraha Abshir, wuxu ku doodayey in dhallinyarta cadaanka ahi aflagaaddo u geysteen diinta Islaamka, iyaga oo ku tilmaamay in ay yihiin ‘shar-wadayaal argagixiso ah’.

Maalintaas uu Abshir maxkamada joogay aad ayuu ilmaynayey, ciil badan baana ku gadhoodhsanaa. Foolkiisa waxa laga akhrisanayey qoomamo iyo welbahaar. Hooyaday oo i ag fadhiday qudheeda ilmo ayaa dhabanadeda qoysay. Dhammaantayo dareenkayga wuu kacasanaa anagga oo ka xun dhibaatada xoriyad la’aaneed ee walaalkayo la soo daristay.

Maxkamaddii, waxa ay soo afjartay dhagaysigii dacwada. Nasiib xumase walaalkay Abshir waxa lagu xukumay xadhig dhan lix bilood.

Abshir waxa u bilaabamay nolol xabsi oo adag. Da’diisa oo yarayd awgeedna, waxa ay u ahayd xaalad kale oo kelinimo iyo rafaad wadata. Annaga waxa ay noo ahayd wehel la’aan kale oo na soo food-saartey.

Muddaddii koobnayd ee Abshir xidhnaa, waxa isbedel weyni ku dhacay muuqaalkiisii duleed. Wuxu noqday nin dhillan oo timahiisii madoobaa ay soo taraxday cirro madaxiisa qabsatay. Indhahu wey goteen, dibnahiisuna way qar- qarxeen ilaa diirku ka dhacay debintiisa hoose. Jidhkiisu guud ahaan, wuu tamar darnaaday. Waxa aanu cuntadii xabsiga ka qaaday xannuunka gaas-calooleedka.

LA SOCO

COMMENTS
LINKS