Sacuudi Carabiya Oo U Soo Baxay Koobka Adduunka Ee 2018 Ka . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sacuudi Carabiya Oo U Soo Baxay Koobka Adduunka Ee 2018 Ka .
January 15, 2018 - Written by Wariye:

fiintasucuudiga (WJN ):- Guushii kali ahayd ee Sacuudi Carabiya ay ka gaartay Koobka Adduunka wuxuu ahaa
midkii 1994-tii, markaas oo ay labo ciyaarood guul ka soo hoyisay, gaareenna wareegga labaad, guushii labaad ee ay gaareen waxay ahayd middii ay Belgium 1-0 kaga badisay iyadoo uu gool aad u qurux badan u dhaliyay Saeed Al Owairan.

Ciyaaryahannada muhiimka ah: Nasser Al Shamrani oo ah dhaliye caan ah ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doona.

Ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa Koobkii Aasiya ee 2014kii ayaa mararka qaar noqda mid kacsan, siddeed ciyaarood ayaana mar la ganaaxay ka dib markii uu candhuuf ku tufay Matthew Spiranovic oo u dheela Western Sydney Wanderers ka dib markii naadigiisa Al Hilal laga qaaday Koobka Horyaalada Aasiya ee 2014kii.

Ma jiro ciyaartoy Sacuudiga ka soo jeeda oo ka dheela horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Yaa tababara? Bert van Marwijk oo ree Netherlands ayaa dalkiisa gaarsiiyay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koonkii Adduunka ee 2010kii, naadiya uu soo tababarayna waxaa ka mid ahaa Borussia Dortmund, Feyenoord iyo Hamburg.
Van Marwijk oo 65 ah ayaa Sacuudiga soo laylinayay tan iyo sannadkii 2015kii.

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye:Abdiqadir Habane

 

COMMENTS
LINKS