Shirkadda Telesom Oo Koob Kubbadda Cagta ah u qabatay Kooxo Shirkadda ka tirsan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkadda Telesom Oo Koob Kubbadda Cagta ah u qabatay Kooxo Shirkadda ka tirsan
January 16, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N) – waxa ka qabsoomay garoonka Power League xaflad kooban oo lagu daah furay Koob loogu tala galay kooxaha kala duwan ee shaqaala waynaha Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom. Koobkan oo loo bixiyay “Koobka Kubbadda Cagta Ee Kobcinta iyo Isdhex-galka Shaqaalaha Shirkadda Telesom” ayaa waxa ka qayb geli doona lix kooxood oo u kala safanaya qaybaha guud ee ay ka kooban tahay shirkadda Telesom Group.

telesom_teams8

Kooxaas ayaa kala ah Kooxda ku ciyaaraysa magaca Telesom Comp. Kooxda ku ciyaaraysa magaca Dara-Salam Bank. Kooxda ku ciyaaraysa magaca Zaad Service. Kooxda ku ciyaaraysa magaca Telesom Electric ee TEC. Kooxda ku ciyaaraysa magaca Somgas iyo Kooxda ku ciyaaraysa magaca xawaaladda Taaj.

Koobkan oo ay qabanqaabadiisa lahaayeen Xarunta arrimaha bulshada ee Ummah Community Center ayaa xalay lagu daahfuray garoonka Power League waxana madashaas ka hadlay Maxamed Cabdi Giirre oo matalayay Shirkadda Telesom, waxana uu Mr. Giire sheegay in ujeeddada loo qabtay koobkan ay tahay in la dhiiri-geliyo Sports-ka, sidoo kalana ay shaqaale waynaha Shirkaddu isku bartaan, dhanka kalana waxa uu caddeeyay Mr. Giirre in koobkan aanu noqon doonin kii ugu danbeeyey ee Shirkaddu ay shaqaalaha u qabato, balse ay joogtayn doonaan, xooggana ay saari doonaan sidii caafimaadka shaqaalaha loo ilaalin lahaa iyagoo ciyaarahan iyo kuwa la mid ka ahba xoojinaya.

telesom_teams7

Xamse Cumar Kujoog oo isna matalayay bahda qabanqaabada ee Ummah Center ayaa sheegay in koobkan ujeeddadiisu ay tahay sidii dhalinyaradu ay ugu dhiirran lahayd Sports-ka, sidoo kalana waxa uu sheegay in Caqliga caafimaadka qaba laga helo jidh caafimaad qaba, sidaas awgeedna ay ka xarun ahaan diyaar u yihiin qabanqaabinta wax kasta oo caqliga iyo jidhka dhalinyarada lagu ilaalinayo.

telesom_teams9

Sidoo kale Xamse Cumar Kujoog ayaa sheegay in xarunta Ummah Community Center ay u taagan tahay horumarinta bulshada iyada oo dhinacyada aqoonta, horumarinta, cilmibaadhista iyo ka shaqaynta arrimaha bulshada xoogga saaraysa. Ugu danbayn Mr. Xamse ayaa u rajeeyay dhammaan kooxihii kasoo qayb galay koobkan guul iyo gobannimo.

 

 Xafladdii furitaanka kaddib ayaa waxa kulankii ugu horreeyay iskaga hor yimi labada kooxood ee u kala ciyaarayay Dara-Salam Bank iyo Zaad Service. Ciyaar aad u xiiso iyo xamaasad badnayd oo labada kooxood ay soo bandhigeen kaddib waxa ay ciyaartaasi kusoo idlaatay barbarro 4 gool iyo 4 gool ah. Caawana waxa isla garoonkaas isku arki doona labada kooxood ee u kala ciyaaraya Telesom Comp. iyo Xawaaladda Taaj.

COMMENTS
LINKS