Maamulka Magaalada Tog Wajaale Malagu Aamini Karaa Banaynta Jidadka Gudaha Magaalada? Maxayse Hore Ugu Kaceen? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Magaalada Tog Wajaale Malagu Aamini Karaa Banaynta Jidadka Gudaha Magaalada? Maxayse Hore Ugu Kaceen?
January 16, 2018 - Written by Editor:

Maamulka Wajaale Oo Biyo  Mareenkii Toga Shaqsiyaadka  Sharciga U Siiyay,

Wajaale Magaalo U Baahan,In Ay Ka Guurto Nidaamka Beelaha Una Gudubto Maamul Toosin Iyo Hanaanka Dawladnimo Oo Shaqeeya!!

TOG WAJAALE(W,N) Waagii baryaaba waayo lehe,waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in bilawgii Sagaashamaadkii, Magaalada Wajaale soo food saartay Xaalad gabi ahaanba sabobtay in ay ka guurto,Sayladii Xoolaha iyo Ganacsigii ay caanka ku ahayd,iyadoo gashay Magaalada Wajaale Xaalad sabobtay in aanu Qofka Socdaalka ahi ka helin Gaadiidka u kala guusha Magaalooyinka iyo Gobolada Dalka S/land.Waxaana hubaala in Maalintii hall Gaadhi u bixi jiray Magaalada Wajaale iyo Caasimada Hargaysa, iyadoo Bulshada ku dhaqan Magaalada Wajaale ay rajaynayeen in ay maalin soo noqon doonto Sayladii iyo Suuqii ka guuray Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale.

wajaale10

Mar kale,waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Madax dhaqmeedka Bulshada ku dhaqan Magaalada Wajaale,aanay marna ka niyad jabin in ay isku duubni,u soo wacyi Galiyaan,Ganacsatada,ka soo jeedaa Deegaanka Magaalada Wajaale,in ay dhismayaal ka dhistaan Labada Daamood ee Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale ka kooban tahay,balse waxaa iswaydiin mudan.Maxaa loogu abaal guday Ganacsatadii iyo Maalqabeenadii Ajiibay ee dhismayaasha ka dhistay Waqti ayna wax faa”iido ah oo ka soo galayaa aanay jirin? Hadii aan is dull taago jawaabta Su”aashaasi,waxayTaariikhdu ka marag kacaysaa in Awood maroorsi iyo ku takri fall Masuuliyadeed lagu dhistay Wajahadii Dhismayaashii   Tobanka Sannadood Dhisnaa,waana bar madaw oo ku taala Shaqsiyaadkii ka taliyay oo la wada garanayo .    firo gaara masuul ay reer jawaale ugu yeedhaa magafaha dhulka

magafaha dhulka

 Maanta,Alle mahadi haka gaadhee,waxuu Alle u soo celiyay Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale, Camirnaantii,Sayladii iyo Suuqii,ay caanka ku ahayd.Sannadkii koowaad ee Qarnigii Kaw iyo Labaatanaad,waxaana Magaalada Wajaale ka dhismay Huteelo waawayn,dhismayaal bilicle,Bakhaaro Ganacsi,Xawaaladaha iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta oo dhamaantood Xarumo iyo Xafiisyo ka dhistay Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale,waxaanu Madaxwaynihii Sadexaad ee S/land Madaxwayne Daahir Raahir Rayaale Kaahin uu siiyay Darajada Dagmonimo.

tog wajaale 1

Maanta Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale,waa Dagmo Toban jirsatay,waxaana booqasho ku taga Wafti Wasiiro ah oo si dhaba ugu kuur galin,Xaalada dhabta ah ee ay ku sugan tahay Magaalada Wajaale,  waxaana u dambeeyay Wafi Wasiiro ah oo Maanta tagay oo ka koobnaa Wasiirada Isgaadhsiinta, Wasiirka Hawlaha Guud,Badhasaabka Gobolka Gabiley iyo Maayarka Gabiley,iyadoo Maanta duruufaha ka jira lagu tilmaami karo Dawlad La”aan,iyadoo lagu sabobaynayo arimahan:-

1:   Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale,waxaa ku habsaday Maamul Aaan lagu soo xulin aqoon iyo arin balse ku yimaada nidaab qabiil iyadoo Bulshada Deegaanka Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale laga helayo dad kaga mudan.

2: Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale,waa magaalo aan ka korin dhinaca Maamulka,waxaanad arkaysaa Subaxdii Ardaydii oo Waxbarasho Xadka S/and uga talaabaysa.

 3: Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale,oo ah Dagmo Toban jirsatay,Dawlada hoose waxaa soo gala Dakhli aad u badan,balse waxay Maamulka Dagmadu awoodi waayeen in Ayga Magaalada Gudaheeda ku dhinta aan laga qaadin,halka Bakhaaradii gubtay wali qashinkii ka hadhay dhex yaalo .

4: Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale,waa Magaalada kaliya ee lagu qaado Cashuuro Sharciga baal marsan,waxaana qaada Koox Ganacsato Wadaado ah oo Magaca Rugta Ganacsiga ku shaqaysta .

5:Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale,waa Magaalo Maamulkeedu Shaqsiyaad u Sharci u siiyeen Biyo Mareenka Toga oo maanta Ganacsato Danyara laga kireeyo .

6: Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale waxaa laga isticmaalaa Lacagta Dalka Itoobiya ee Birta loo yaqaano,iyadoo Lacagta Shilinka S/land loo isticmaalo Cashuurta oo kaliya. DAB WAJAALE 2

wajaale 1

  Isku soo wada duuboo,waxaa maanta iswaydiin mudan,Ma lagu aamini karaa banaynta jidadka Magaalada Tog Wajaale Maamulkii Biyo Mareenka Toga Wajaale Shaqsiyaadka Sharciga u  siiyay,Markuu meel walba Xaraashay ?

 

WAJAALENEWS DESK

TOGWAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS