Turkiga Oo Ciidamo Iyo Taangiyo Soo Dhoobay Xuduuda Suuriya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Turkiga Oo Ciidamo Iyo Taangiyo Soo Dhoobay Xuduuda Suuriya
January 17, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Madaxwaynaha Turkiga ayaa ka digay in ay suuragal tahay weerar ay ku qaadeen laba goobood oo ku yaalla wuqooyiga Suuriya oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Kurdiyiinta.
Taangiyada iyo ciidamada Turkiga ayaa sidoo kale la soo dhoobay xadka Suuriya iyo Turkiga u dhaxeeya.

 

_99626378_1db6af86-9325-438e-87af-fa073bcf2ac1

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in mucaaradka Suuriya ay taageerayaan dadaalka Turkiga uu argagixisada kaga saarayo Afrin iyo Manbij.
Goobahani ayaa waxa gacanta ku haya kooxda Kurdiyiinta ee (YPG),oo ay xukuumadda Ankara u aqoonsan tahay koox argagixiso ah.
Mar sii horreysay ciidamada Turkiga ayaa duqeeyay degaanka Afrin oo daris la ah gobolka ay mucaaradka haystaan ee Idlib.
Dowladda Turkiga ayaa dhawaan si kulul uga jawaabtay hindisaha Mareykanka ay doonayaan in ay wuqooyi bari Suuriya uga dhisaan xogag mucaarad ah oo dhan 30,000.

Magaaladda Afrin waxaa gacanta ku haya xoogaga Kurdiyiinta
Madaxwaynaha Turkiga ayaa muddo dheer ku hanjabayay in uu weerari doono magaalada Afrin ee ay gacanta ku hayaan xoogaga Kurdiyiinta.
Dowladiisa ayaa kooxdan YPG u aqoonsan in ay yihiin xisbiga shaqaalaha ee Kurdiyinta ee PKK oo la sii balaadhiyay.
Turkiga ayaa muddo 6 sano ah sheeda ka daawanayay xoogaga YPG iyo ciidamada xorta ee Suuriya oo gacanta ku dhigayo dhul dhan tobonaan kun oo kiilo mitir oo isku wareeg ah.

COMMENTS
LINKS