Dawlada Itoobiya Oo Noqotay Dalkii Ugu Horeeyay Ee Aqoonsada Madax banaanida Somaliland Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Safarka Madaxwaynaha Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya Oo Noqotay Dalkii Ugu Horeeyay Ee Aqoonsada Madax banaanida Somaliland Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Safarka Madaxwaynaha Jsl.
January 17, 2018 - Written by Editor:

ADIS ABABA (W,N) Maalintii Shalay Ayay markii Wafti uu Hogaaminayo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ay safar ugu baxen  dalka aynu jaarka nahay Ee Itoobiya, Safarkan Madwxaynaha Oo Ahaa Safarkii Ugu Horeeyay ee Uu ku Tago Intii la Doortay Dalka Itoobiya Ayaa Ahaa Mid ka duwan Safaradii hore ay madaxda Somaliland ku tagi jireen itoobiya iyo sidoo kale kulamadii ay la Qaadan Jireen Dhigooda,

labada dal

Kulanka madxwxaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la yeeshay  Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa ahaa  mid heerkiisu sareeyo kaasi oo ay dawlada itoobiya muujisay in ay Somaliland aqoonsatay isamrkaana ay kulankii madaxwaynaha iyo raysal Wasaarahu kadib ay Siwada jira Warbaahinta Ula haleen taasi oo dareenka shacabka Somaliland Galisay Rajo Wayn Halka ay falaadh ku noqotay cidkasta oo kasoo Horjeeda Jamhuuriyada somaliland in ay noqoto qaran kamida Qaramada Beesha Caalamka .

LABADA DAL 2

Hadaba markii uu soo dhamaaday kulankii madaxwaynaha Somaliland iyo raysal wasaraha Itoobiya waxa war-baahinta si wada jir ah ula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ibtoobiya, waxaanay sheegeen inay ka wada hadleen arrimaha la xidhiidha nabadgelyada, xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isu-socodka, ganacsiga iyo doorka horumarineed ee uu labada dhinac u yeelan doono jidka isku xidhidoona Berbera ilaa wajaale ee (Berbera corridor) oo hirgelintiisu ay qayb lahaadleh ka qaadan doonto isu socodka ganacsiga balaadhan ee ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

LABADA DAL 3

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo dhankiisa ka hadlay kulankii uu laqaatay madaxweynaha Jamhuuriyad Somaliland iyo waxay kawada hadleen, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Waxaanu kawada hadalnay arimaha nabadgelyada, sababtoo ah waxaanu aaminsanahay nabadgelyada Itoobiya inay tahay nabadgelyada Somaliland, sidoo kalena nabadgelyada Somaliland waa nabadgelyada itoobiya. Waxaanu kawada hadalnay in aanu Somaliland kawada shaqayno  horumarinta  marshuuca Berbera corridor,  in la horumariyo oo aanu annaga iyo saaxiibadayadu  sii wadno horumarinta marshuuca, si ay uga wada  faa’idaystaan labada wadan”.

Sikastaba ha ahaatee dalka itoobiya ayaa noqotaya dalkii ugu horeeyay ee si diblamaasiyadeed iyo sificilba ugu dhawaaqay aqoonsiga Somaliland kaasi oo dhawaana lafilayo in ay mawqif cad ay qaadato iyana dawlada jabuuti oo mudooyinkii udanbeeyay  si dhow ula shaqaynaysay dawlada Somaliland.

 

WAJAALENEWS DESK’

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS