Wajaale” Magaalo Masuuliyiinteedu Ka Soo Shaqo Tagaan Magaalo Kale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wajaale” Magaalo Masuuliyiinteedu Ka Soo Shaqo Tagaan Magaalo Kale.
January 17, 2018 - Written by Editor:

Halkan Akhri; Magacyada Masuuliyiinta Magaalada Tog Wajaale Xilalka ka haya Oo Noqday Kuwo Dhamaan kasoo Shaqa Taga Magaalooyin Kale Iyo Arimaha Kulamaan,

TOG WAJAALE(W,N) Guud ahaan,Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale,waxay daris u noqotay Maamul xumo baahsan,waxaanay hoy u noqotay Masuuliyiin ka soo shaqo taga Magaalo kale,oo gabi ahaanba Dagmada ay Xukumaan aan daganayn,iyadoo Shabakada Wararka Wajaalenews.net u kuur gashay sabobaha keena Maqnaanshaha Faraha badan ee Maamuka Magaalada Wajaale kaga maqan yihiin,iyadoo Shabakadu idin soo bandhigaysa Magaalooyinka Masuuliyiintani ka soo shaqo tagaan.

tog wajaale kastam

Waxaase iswaydiin mudan,waa sidee xaalada dhabta ah ee Guud ahaan Nolosha Magaalada Wajaale ? Ma jiraan Sabobo aanay Maamulka Dagmada Wajaale iyo Madaxda Laamaha Dawladu Qoysaskoodu u soo dajin karin Magaalada Wajaale si ay duruufaha ka jira ula qaybsadaan Bulshada Wajaale? Ma jiraan dad Aqoon iyo Waayo aragnimo u leh Maamulka oo dagan Magaalada Wajaale oo hanan kara Xillalkan  meel kalena aan ku doorsanayn ?

Hadii aan ka jawaabno Su”aalahan,waxaa hubaala in ay dhamaan adeegyada Aasaasiga u ah Nolosha Aadamaha u baahan tahay ay ka jiraan Dagmada Wajaale,waana talaabo Gaf iyo meel ka dhac ku ah in ay Maamulka Magaalada Wajaale ka soo shaqo tagaan Magaalo kale,waxaana marag ma doona in ay Wajaale dhex joogaan Masuuliyiin Aqoon iyo Waayo aragnimo u leh dhinaca Maamulka,ugana lexejeclo badan kuwa hada jooga oo Xillalkan hanan kara,iyadoo Shabakada Wararka Wajaalenews.net,maanta iidin soo gudbinaysa Maamulka Dagmada Wajaale iyo Madaxda Laamaha Dawlada Magaalooyinka ay dagan yihiin ee ay ka soo shaqo tagaan,waana sidan:-

  1. Madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jiree.Maayarka Dagmada Wajaale.Xaashi Maxamuud Cabdi,waxuu dagan yahay Magaalada Hargaysa,inkasta uu Meherado Ganacsi ku leeyahay Wajaale, markuu xillka ka tago waxuu waqtigiisa ku qaataa Magaalada Hargaysa .
  2. Xoghayaha Dawlada Hoose.C/laahi Muxumad Samaale,waxuu dagan yahay Magaalada Gabiley waxaanu Subaxdii ka shaqo tagaa Gabiley .
  3. Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada.Faysal Aw Muuse,waxuu dagan yahay Magaalada Gabley,waxaanu Subaxdii ka shaqo tagaa Gabiley .
  4. Taliyaha Saldhiga Booliska Wajaale.C/salaan Diin-qale,waxuu si rasmiya u dagan yahay Magaalada Hargaysa,waxaanu Subaxdii ka soo shaqo tagaa Hargaysa .
  5. Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka.C/rashiid Axmad Xasan,oo ah Masuulka ugu muddo xileedka dheer oo Shann iyo toban Sanno Xillkaasi hayay,Masuulkan muddada dheer Xillka hayay, waxuu si rasmiya u dagan yahay Magaalada Hargaysa,waxaanu Subaxdii ka soo shaqo tagaa Hargaysa ,
  6. Maamulaha Kastamka Wajaale.C/laahi Xasan Cige (C/laahi Dheere),waxuu dagan yahay Hargaysa, waxaanu Subaxdii ka soo shaqo tagaa Hargaysa

 

  1. Maamule ku Xigeenka Kastamka Wajaale.Cumar Maxamuud Shirwac,waxuu dagan yahay Magaalada Hargaysa, waxaanu Subaxdii ka soo shaqo tagaa Hargaysa.
  2. Maamulaha Wasaarada Ganacsiga Kastamka Wajaale,Baashe,waxuu dagan yahay Magaalada Hargaysa,waxaanu Subaxdii ka soo shaqo tagaa Hargaysa.
  3. Madaxa Jekenga Rugta Booliska Kastamka Wajaale.Xuseen Khadar,waxuu dagan yahay Magaalada Hargaysa, waxaanu Subaxdii ka soo shaqo tagaa Hargaysa.

10: Agaasimaha Cusbitaalka Dagmada Wajaale.waxuu dagan yahay Magaalada Hargaysa, waxaanu Subaxdii ka soo shaqo tagaa Hargaysa.

 

Si kastaba ha ahaatee,waxay Bulshada waynta ku dhaqan Wajaale u arkaan in Maamul xumada ku habsatay,ay Sabob u tahay Masuuliyiinta aan daganayn Magaalada Wajaale ee u soo shaqo tagay,wax ka galayna ayna jirin,iyagoo Danta guud aan Xill iska saarin Gabi ahaanba  .

 

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS