Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilanyo Oo Kulan Tacsi Ah Gurigiisa Ugu Tagay Faysal Cali Waraabe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilanyo Oo Kulan Tacsi Ah Gurigiisa Ugu Tagay Faysal Cali Waraabe
January 17, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan tacsi ah ugu tegay gurigiisa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo wiil uu dhalay dhawaan ku geeriyooday dalka Suuriya.

tagidii siilaanyo faysal cali

Wiilkan Ayaalagu Magacaabi Jiray Marxuum  Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa suuriya tegey sanadkii 2013-kii, ka dib markii la duufsaday oo warbixin khalad ah la siiyey sida uu sheegay aabbihii.

Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dhashay oo ku noolaa wadanka Finland. waxaana la joogtey xaaskiisa oo Finland ka raacday iyo laba gabdhood oo ay dhashay oo iyagu halkaa la joogay, waxaana la sheegay in iyadu ay soo xaqiijisay in uu ku dhintay weerarro dhinaca cirka ah oo loo geystay goobta uu ku sugnaa.

 

 

Daawo: Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Gaadhay Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool

Daawo: Cali Waran Cade Oo Digniin Culus U Diray Xukuumada Farmaajo

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada Oo Kormeer Ku Soo Maray Waaxaha Cashuuraha Ee Caasimada Hargaysa

 

COMMENTS
LINKS