Sarif Barrar-ka Somaaliland Sidee Loo Dawayn Karaa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sarif Barrar-ka Somaaliland Sidee Loo Dawayn Karaa?
January 17, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Dhibaatooyinka haysta Soomaliland ee kor u kiciya sicirka sarifka ama waxa aan ugu yeedhayno sarif barrar waxay u baahan tahay in si fiican loo fahmo meelaha ay inaga soo galaan lacagaha qalaad iyo meelaha ay innaga baxaan. Meelahaas oo qaar ka mid ah aan hoos ku sheegay, qaar kalena ay jiraan, laakiin aannan iminka xasuusan, waxay u baahan yihiin in si dhab ah loo derso si xal dhab ah oo aan laab-la-kac ahayn loogu daweeyo mushkilada sarif barrar.

 In mushkiladahan la dersaa waxay weliba dawo ka tahay in la maamuli karo oo aanay siday doonto u socon, ama aanay innooga nixin ama cid kale fursad ay ka taajiraan ka dhigan. Sidaas darteed, waxaynu u kala qaadaynaa illo dhaqaalaheena ku jira oo u baahan inay si joogta u hellaan lacag adag oo doolar ah oo ay ka saaraan suuqa sarifka; dibeddana u saaraaan.

Waxaa kaloo jira illo ay innaga soo galaan lacagta qalaad oo dhaqaallaheena caawiya. Qoraalkan kooban waxaan ugu tabarucayaa guddiga dhowaan loo igmaday waxa loogu yeedho sicir barrar-ka, aniguna aan u aqaano sarif barrar. Maxaan u leeyahay sicir barrar maaha, dhaqaaleheenu wuxuu ku xidhan yahay wax aynu soo dejisano, markaa badeecooyinka badankoodu waxay innooga yimaadaan dibeda oo waxaynu soo siisanaa Doolar, dhaqaaleheenuna wuxuu ku xidhan yahay Doolar, sicirkuna wuxuu kici karaa marka ay dibeda ka qaali garoobaan oo sicirkooda doolarku kaco. Haddii kale waa kicitaan aan xikmadaysnayn oo waa inuu dib u noqdaa. Laakiin arrinkeenu lama xidhiidho sicir ka kordhay dhinaca doolarka ee waa sicir ka kordhay dhinaca sarifka isku bedelka lacagaha iyo lacagta dalka oo qiimaheedu hoos u sii socdo.

 Si taas xal loogu helo waa in la dersaa meelaha lacagta qalaad aynu ka helo iyo meelaha ay innagaga baxdo. Isla markaana waa in si cilmiyaysan loo dersanaa in illahaas mid kasta loo qaabeeyaa si isbedelkeedu aanu inoogu noqon mid taban, illaha la daraasaynayaa waa kuwan hoos ku qoran.

Meelaha inooga baahan Doolar joogta ee suuqa ka qaata

Qaadka:

Wuxuu dalka ka saaraa, maalin kasta lacag aad u badan oo ah doolar, waxa loo baahan yahay in xadigeeda la ogaado, isla markaana la xisaabiyo inta ay le’eg tahay saamaynta ay ku leedahay sarif barrarka. Mustaqbalka waa in la helaa siyaasad sahli karta ama yaraysa saarista doolarka ee qaadka.

Ganacsatada wax soo dejisa:

Waxay u baahan yihiin lacag joogto ah oo ay ku soo iibsadaan badeecadaha ay ka ganacsadaan, markaa si joogta ah ayay lacagta ay Somaliland Shiling ku helaan ugu bedeshaan Doolar si ay badeecado ugu soo iibsadaan.

Dadka u baahan safarrada dibedda:

Dadka safraya ee dalka ka dhoofayaa iyaguna waxay u baahan yihiin lacag qalaad, inkastoo oo xadigeedu ka ladifan yahay baahiyaha kale ee kor ku xusan.

DP world: Illaa intii la wareejiyey dekeda waxay si joogta ah lacagta wax lagu cashuuro ugu bedeshaan doolar, si agabka ay u baahan yihiin ay ugu soo iibsadaan.

 Illaha ay Somaliland ka hesho doolarka ama lacagta qalaad

 Dhoofka Xoolaha Nool:

xoolaha nool wakhtigan uma badna sidii ay ahaan jireen waxaana culays weyn ku sii noqday abaarihii dalka ka dhacay oo aad u yareeyey tiradii xoolaha taasoo saamaynteeda la sii dareemi doono sanadaha soo socda; waxa loo baahan yahay in dhab ahaan loo ogaado, isla markaana la odoroso wakhti kasta waxa xoolaha ka soo xeroon kara.

Xawaaladaha Dibedda Inooga Yimaada:

Xawaalada dibedu inkastoo ay tahay isha ugu muhiimsan ee lacagta adagi wakhtigan inaga soo gasho haddana wakhtigan sidii ay wakhtiyadii hore ahaan jirtey, hoos u dhac weyn ayaa ku yimi, duruufteeda ayay leedahay waxaanay u baahan tahay in si cilmiyaysan loo derso, oo maadaama ay tahay il muhiim oo doolar inaga soo galo, waxay u baahan tahay in loo sameeyo nidaam lagula socdo xadiga doolarka ee ay dhaqaalaheena ku soo kordhin karto wakhti kasta.

Lacagaha ka Yimaada Mashaariicda Hayadaha Samafalka ee Caawiya Dalka:

lacagahani Waa il muhiim ah oo dalka lacagi ka soo gasho, haddii ay tahay mashaariic ahaan iyo haddii ay tahay mushahaarooyiin shaqaalahooda iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraduhuba ay ka dheefaan.

Lacagaha Deeqaha Lagu Caawiyo Maamulka Dawlada:

lacagahani waa kuwo soo gaadha maamulka sare ee dalka oo dalalka saaxiibka ah laga helo, marmarka qaarkood, sida Imaraadka Carabta oo kale. Inkastoo aanay badnayn, haddana marka la helo, waa waxtar weyn oo dalka soo galay.

Iibka macdanta:

Maaha wax weyn oo la tilmaami karo, waa wax si aan habaysnayn u dhoofa ama fursad aan joogto ahayn ah oo marmar dadka qaar soo marta oo aan xisaab dhab ah wakhtigan geli karin.

Waxa loo baahan yahay in la ogaado, inta ay le’eg tahay lacagta Soomaliland ee dalka wareegaysaa, marka qiimaheeda loo rogo Doolar, waxaan qiyaasayaa inaanay gaadhin ama ay ka yar tahay 200m. Waxan kaloo qiyaasayaa in lacagta wareegaysa ee Somaliland shilling-ka ahi aanay ka badnayn 10%, lacagta guud ahaan wareegaysa ee dalku ku shaqeeyo ee doolarka ah.

Maadaama waxa aynu ka hadlaynaa ay tahay lacag, dersaadaha aan kor ku xusay waxaa samayn kara bangiga Soomaaliland. Waa shaqada koowaad ee baanka inay waxyaabahan la socdaan saamaynta ay ku leeyihiin si ay hoos ugu celiyaan hoos u dhaca shilinka Soomaaliland.

Lacagta Soomaliland sarifkeeda waxa cidhiidhi ku ah, lacagaha electron ga ah oo warwareegi hoose ee sarif ceshadka ka qabsaday lacagtii Somaliland. Waxa marka horeba meesha taalay dalka oo ku shaqeeya Doolar, oo lacagtiisa ugu weyni tahay Doolar. Waxa iyaga lagu haystaa maaha inay dalka doolar ka saaraan ee waxa iyaga lagu haystaa waxay lacagtii dalka ka qabsadeen barxadii ay ku wareegi lahayd, taasoo u baahan sida qodobada kaleba in la derso saamaynta taban ee ka dhalan karta cidhiidhiga ay ku hayaan lacagta dalka.

Sidaas darteed waxa loo baahan yahay in la fahmo in dalka aanu ka jirin sicir barrar ee uu Ka jiro wax la yidhaahdo sarif barrar. Si taasoo loo waajaho guddiga cusub ee loo magacaabay arrintani waxa loo baahan yahay inay ka hawl gasho wax la yidhaahdo sarif barrar oo saamayntiisu ay ku taxan tahay qodobada aan soo sheegay oo la xidhiidha dakhliga iyo bixitaanka doolarka, Laakiin aan la xidhiidhin wax la yidhaahdo sicir. Si taasi u suurtogasho qodob kasta oo ka mid ah qodobada aan kor ku taxay wuxuu u baahan yahay in saamayntiisa dereesad u gaar oo lagu qanciyo cida ay khusayso laga sameeyo, si loo taabto saamaynta taban ee qodobkaasi ku leeyihiin dhaqaalaha iyo nolosha dadweynaha.

 Maxaa ka dhashay sarif barrarka, waxa ka dhashay way iska cadahay, lacagtii Soomaaliland ayaa qiimaheedu hoos u dhacay. Hoos u dhacaasi wax kale maaha suuqa qiimihii ay ka joogtay marka lagu sarifo doolarka ayaa nusqaamay. haddii xukuumadii Siilaanyo shaqaalaha mushaharka u labanlaabtay, maalintii xukuumadaasi xilka wareejisay qof kastaa intii uu qaadan jirey markii xukuumadu dhalatay 2010 Kii, intii uu qaadan jirey in leeg uun buu iminkana qaataa, marka doolar lagu sarifo, wax yar ayaa ka dhiman inay isleekaadaan. Xukuumada Muuse Biixi haddii ay arrintaasi sarrifka lacagta hoos u dhigto, iyadoo si cilmiyaysan u dersaysa arrimahaa aan kor ku xusay waxay sheegan kartaa inay laban laabtay mushaharka shaqaalaha waa hadii ay ku celiso sarifka 6000 halkii doolar. Waayo haddii ay ku guulaysato inay ku celiso 6000, taasoo macnaheedu waxay la mid tahay inay mushaharka shaqaalaha laban laabtay.

Dhamaan qodobadaa aan soo sheegay waxay dhamaantood u baahan yihiin in taxadir balaadhan iyo in go’aan laga baaraan degay oo deraasad ku qotoma in ay ku soo baxaan. Waxay kaloo u baahan yihiin in qancin la taaban karo loo sameeyo dhinacyada ay khusayso oo aanay u arkin in lagu ciirayo, waxa la dawaynayaa waa mushkilada caam ah oo guri kasta iyo meherad kasta khusaysa.

 QALINKII AQOONYAHAN CABDI ABOKOR

 

COMMENTS
LINKS