Markab Shidaal Oo Ku Gubanaya Badwaynta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Markab Shidaal Oo Ku Gubanaya Badwaynta
January 18, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Markab laga leeyahay dalka Iran ayaa ku quusay badda dalka Shiinaha, waxaana hadda lasoo sheegayaa in uu bilaabay gubasho.

_99643212_markabgubanaya

Markabkan ayaa lagu magacaabaa Sanchi, waxaana la sheegay in hadda dabka uu ku faafay masaafo dhan 100 km oo isku wareeg ah.
Sanchi waxa uu sidey 136,000 tan oo shidaalka ceydhiinka ah , wuxuuna ku dhacay markab kale oo horaantii bishan.

32 shaqaale oo saarnaa ayaa dhammaantood geeriyooday.

Illaa afar goobood ayuu dabka ka holcayaa sida ay ku waramayso warbaahinta Shiinaha.

Shidaalka uu waddo ayaa waxaa la sheegay in uu yahay mid sun ah, islamarkaasna ka gubasho og shidaalka kale.
Wasaaradda gaadiidka Shiinaha ayaa sheegtay in ay kooxo u direyso halka uu markabka ku gubanayo si wax looga qabto dhibaatada deegaanka u iman karta.

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS