WAJAALE NEWS

Wasiiradii Loo Diray Banaynta Jidadka Magaalada Tog Wajaale Oo u Gacan Galay kooxda Magafayaasha Dhulka Iyo Welwelka Bulshada,

Dadweynaha Degmada Togwajale Oo Jawi farxadi ku Dheehan tahay ku Soo Dhaweeyey Qorshaha Magaalada Lagu samaynayo,!!

Tog Wajaale(W,N) (Town-planka) oo Markii ugu horeysay uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku amray islamarkaasna uu u magacaabay Guddi Wasiiro ah in ay hawshaasi ay  fuliyaan, Ugu horayn bulshadu aad ayey u soo dhaweeyeey markii ay maqleen Qorshahan, waayo baahi wayn ayey bulshadu u qabtay helitaanka Qorshe Magaalo, diyaarbaana loo yahay culays kasta oo ka iman kara, balse waxa jira walaac badan oo isa soo taraya oo keeni kara in uu fashilmo Mashruucan Qiimaha wayn ku fadhiya Magaaladuna ay aad ugu baahan tahay, dareenkan oo ka dhashay kadib markii ay kulamo gooni gooni ah ay Wasiiradu la yeesheen koox odayaal ah oo iyagu isgood isugu magacaabay Guddida Horumarinta Degmada oo iyagu is boqray wakhtigii xukuumadii siilaanyo, kooxdan oo ku sifowday boobka dhulka danta guud ee magaalada sida Garoonada, jidadka, iyo meelkasta oo dan guuda, kooxdan oo caan ku ah sida loola falgalo Masuuliyiinta xukuumadaha si ay danahooda gaarka ah uga fushadaan iyagoo ku soo gabanaya Waji islaanimo, kooxdan oo Marar badan ka fushaday Magaalada Qaadhaan ururin boqolaal kun oo dollar ay ka gureen Magaalada balse lacagahaasi aan lahay meel ay ku dambeeyeen Aan lagaranayn, kooxdan oo ah maamul gaar ah oo leh xafiis dakhli ururineed oo qaada Cashuur aan sharciyadeeda la garan waayey, balse si cad looga qaado lacago xad dhaafa oo xataa ka badan cashuurta Dowladda dhexe ay qaado,

waxa bulshada Degmadu ay u dhegtaagayeen in xukuumada cusub ee Madaxweyne Muuse biixi gadhwadeenka ka yahay ay wax ka qaban doonto Bakhaarkan bakhaarka cashuurta ka qaadaya, balse waxay haatan u muuqataa in ay durtaba ay saareen geedkoodii Ay saari jireen xukuumadii hore, waxa durba soo baxaya oo ay bulshadu isla dhexmarayaan in Wasiiradii loo soo diray banaynta jidka Magaaladu ay u gacan galeen kooxdan oo ku takhasustay sida madaxda dowlada dhiig faraha loogu galiyo, waxay sheegayaan ila wareedyadu in kooxdani ay qorsheeyeen sidii ay iyagu u jahayn lahaayeen Wasiirada iyo Hawl wadeenada Wasaarada hawlaha guud si loo raaco qorshe ay iyagu rabaan in jidadka loo baneeyo iyaga oo uga dan leh laba Arimood waa ta kowaade in ay jidadka ka leexiyaan meelo ama dhul ay iyagu leeyihiin oo ahaa wadooyin ay dhisteen, qorshaha labaad oo ah in ay baabiiyaan dhul dhisan oo magaalada dhexdeeda ah iyaga oo dadkale lacago kaga qaadaya Wajahada ayaanu kuu banaynaynaa iyaga oo iskaga dhigaya in ay iyagu qorshaha gacanta ku hayaan,

Waxa ka mid ah dhulka ay durba ka shanqadhiyeen in bacadlayaasha laga raro dhulk danta guuda ee ay daganyihiin,  iyo in Garoonka kubada cagta dhulkiisa oo ay iyagu horay U qaateen warqadana ay u haysteen ay dhex raaciyaan Qorshan xukuumadu doonayso in Magaalada loogu sameeyo town plan isku soo wada xooriyoo waxa jira welwel aad u wayn oo la xidhiidha in ay jirto xidhiidh adag iyo isku milan dhexmaray Wasiirada iyo kooxdan kaasi keeni kara in uu fashilmo Mashruucii Qorshaha Magaalada lagu horumarinayey.

Maxaa ii dammaanada hadaan dahabo bixiyaba in aan la igu durdurinaynin

Wabillaahi towfiiq

By Mustafa Xuseen Carraale(

Gr)

 

Exit mobile version