Daawo: Maxay Heesta Barbar Caan Ku Noqotay Oo Ay U Dhalisay Xamaasad? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Maxay Heesta Barbar Caan Ku Noqotay Oo Ay U Dhalisay Xamaasad?
January 18, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa(W,N)-Fanku waa qayb ka mid ah nolosha Soomaalida, balse heesta Barbar way ka duwan tahay kuwii hore. Sanad kasta waxaa lasoo saaraa boqollaal heesood oo qaarkood ay muuqaalo wataan, kuwaas oo lasoo galiyo baraha bulshada, balse kuwa saameynta weyn reeba ama laga falceliyo ma badna.

Hase yeeshee hees cusub oo la magac baxday Barbar oo uu qaaday fannaanka iyo majaajiliistaha lagu magacaabo Oomaar ee Canada ku nool ayaa baraha bulshada ka dhalisay xamaasaddii ugu saraysay ka dib markii sida muuqata ay dadka la dhaceen qeyb ka mid ah heesta.

Heesta oo ku socota erayo labo dhacaya sida dardar, sarsar iyo qarqar ayaa waxaa ku jira hooriska ah “ayuu, ayuu ii tuurey barbar” ka dibna waxaa muuqanaya fannaanka oo dhinac dhinac isu tuuraya, waana ficilka iyo weedha kulmay, arrinta sida gaarka ah u xiiso galiysay dadka.

Wixii ka dambeeyay markii heestan lasoo saaray bil ka hor, dadka waxa ay iska soo duubayeen boqollaal muuqaal oo muujinaya iyaga oo heesta dhagaysanaya, islamarkaasna jilaya ficilkii fannaanka oo ah in dhinac dhinac la’isu tuuro.

 

Fannaan Oomaar ayaa dadka kula dardaarmay in aysan jabin oo ay u dhowaadaan sariiraha ama meelo fiican si aysan dhibaato u soo gaadhin.

Dad ayaa iska soo duubay xitaa iyaga oo barkad biyo ah ku dhacaya, kuwa kursi ka dhacaya, iyo kuwa furaashka sariirta isku dul tuuraya.

Arrintan oo inta badan dadka ay uga gol leeyihiin madadaalo iyo majaajilo waxay qaarkood duubayaan muuqaallo muujinaya dad kooxo kooxo ah oo rag iyo dumarba isugu jira, xitaa qoysas guryahooda ku sugan oo “barbar isu tuuraya”.

Mid ka mid ah muuqaalada ugu shactirada badan waxaa sameeyay bogga Somali React oo ay hormuud ka yihiin dhalinyaro ku sugan Kenya. Wuxuu ku saabsan yahay nin raashiin cunaya, waxa u imanaya wiil, wuxuu damcayaa in uu la cuno, balse wuu u diidayaa, ka dib ayuu wiilkii daarayaa heesta barbar, taas oo keeneysa in ninkii cunatada cunayay uu heesta la jidboodo, dhinacna ula dhoco, ka dibna wiilkii ayaa raashiinka kala cararaya.

Sababta ugu weyn ee arrinta xiisaha usii yeeshay ayaa ah in dadka ay isku xujeysanayeen, iyada oo qofkii sameeya uu ku xidhanayo qofka kale, dhaqankaas oo baraha bulshada loo yaqaano ‘Challenge’ ama ‘Xujo fur’, taas oo ah dhaqan jiilka cusub la jaanqaadaya oo adduunka oo dhan ka jira.

Safaaradda Mareykanka ee Jibuuti ayaa ka mid ah meelaha ka qeybgalay arrinta waxayna soo saartay muuqaal ay shaqaalaha isu tuurayaan barbar.

Ma jiro wali war ku saabsan dad ay waxyeelo kasoo gaadhay falka ay dadka qaarkood taagnida isaga tuurayaan, balse waxaa muuqata in ay dadka xiiso u hayaan waxyaabaha jilliinka ah, gaar ahaan haddiiba uu salka ku hayo arrimaha jacaylka oo aanan laga xiisa dhigin.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGAYSA OFFICE

COMMENTS
LINKS