Daawo: Fanaanadii Qadiija Cabdullaahi Daleeys Oo Lagu Aasay Toronto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Fanaanadii Qadiija Cabdullaahi Daleeys Oo Lagu Aasay Toronto
January 19, 2018 - Written by Reporter:

Toronto (W,N):-Ale ha u Naxariistee Fanaanadii Soomaaliyeed Khadiijo Cabdilaahi Dalays ayaa lagu Aasay Magaalada Toronto ee Dalka Canada, Khadiijo oo lagu garan ogyahay Dalays oo ahaa magaceedu kalkoolinta fanka.

Dalays waxay ka mid ahayd hobaladii Waaberi kuwii ugu caansanaa, waxayna taariikhda ku gashay in ay ahayd haweenaydii ugu horeysay oo hees qaada gobolada Koonfureed,halka Gobaladii Waqooyiga ay kaga horeysay Guduudo Carwo.

Qadiijo Cabdilaahi Dalays waxay dhalatay 1936-kii waxaanay ku dhalatay Magaalada Bardaale.

Waa xiddigii labaad oo ka baxa fanka soo jireenka ee Soomaaliyeed muddo bilo gudahood ah, iyada oo muddo dhow ay geeriyootay Fanaanadii Guduudo Carwo.

Dalays waxaa aad loogu xusuustaa heestii looga soo horjeeday midabtakoorkii dalalka Afrikada Koonfureed, ee ‘Midab gumeysi diida’ taas oo la qaaday sanadii 1970yeedii, waxayna la qaaday Cabdi Bacalwaan, halka uu heesta Alifay Abwaan Singub.

Halkan hoose ka daawo Aska Dalays

https://youtu.be/HI2F9JQ1qBw

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGAYSA OFFICE

COMMENTS
LINKS