Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta La Kulmay Safiirka Midowga Yurub Ee Dalka Somaliya+Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta La Kulmay Safiirka Midowga Yurub Ee Dalka Somaliya+Sawiro
January 19, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta kulan la yeeshay safiirka midowga yurub ee Soomaaliya Ambassador Veronique Lorenzo oo dalka ku sugan, waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee midawga yuurb iyo Somaliland.

muuse2

Waxa kale oo ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo safiirku sidii laysaga kaashan lahaa, loona adkayn lahaa wada shaqaynta amniga iyo arrimaha budhcad badeeda, midawga yurubna ay sii wadan taageerada ay Somaliland, awalba ka siin jirtay arrimaha la xidhiidha, maalgashiga, qorshaha mashaariicda horumarineed ee dalka lagu horumarinayo iyo inay xooga saaraan, mashruuca weyn ee lagu dhisayo waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale loona yaqaan (Berbera Corridor), waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaaday sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

muuse1

Waxaanu kulankaasi ku soo dhamaaday is afgarad iyo in sare loo qaado xidhiidhka labada dhinac ee Somaliland iyo Midawga yurub, sidoo kalena ay Somaliland ka taageeran dhinacyada maalgashiga, qorshaha horumarineed iyo tayeynta waxbarashada gaar ahaan farsamada gacanta.

Capture

COMMENTS
LINKS