WAJAALE NEWS

Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Waraysi Uu Siiyey CGTN Tv Kaga Hadlay Qorsheyaasha Xukuumadiisa, Xidhiidhka Ethiopia iyo Ictiraafka

Addis Ababa (W,N):-Madaxweynaha Somaliland Mudane  Muuse Biixi Cabdi ayaa wareysi uu dhawaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uu ku siiyey Telefishanka CGTN Tv waxaa uu kaga hadley qorshayaasha xukuumada, xidhiidhka Itoobiya iyo hawlaha Ictiraaf raadinta, Ugu horeyn madaxweynaha ayaa sheegay in qorshisiiha koowaad uu yahay Amniga iyo xasinoolida dalkiisa iyo guud ahaanba Geeska.

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in dawlada Itoobiya ay tahay dal awood leh dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo Militerga oo ku taala mandaqada Geeeska Africa iska markaana xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland uu sareyn doono.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

Exit mobile version