Bulshada ku dhaqan Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale Oo Madaxwaynaha Jsl Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Ka Codsaday In Ay U Kuur Galaan Maamul Xumada Ku Habsatay Degmada , | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bulshada ku dhaqan Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale Oo Madaxwaynaha Jsl Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Ka Codsaday In Ay U Kuur Galaan Maamul Xumada Ku Habsatay Degmada ,
January 19, 2018 - Written by Editor:

 TOG WAJAALE(W,N) Tann iyo Habeenkii Dabku ka kacay,Bakhaaro iyo Meherado Ganacsi oo ku yaala Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale,iyadoo Dabkaa kacay sobobay in Ganacsato Hantidoodii iyo Guryahoodi ku waayaan,balse waxay Masiibadaa dhacday banaanka soo dhigtay,Maamul xumo baahsan oo ka jirta Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale,iyagoo indhahooga ku soo arkay Wasiiradii iyo Madaxdii u tagtay Magaalada Wajaale in ay Masiibadaa dhacday ka soo tacsiyeeyaan Ganacsatadii Hantidooda iyo Guryahoodi ku waayay Dabkii kacay.

maamuladii wajaale 1

Mar kale,waxay Wasiiradii iyo Madaxdii Tagtay Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale,indhahooga ku soo arkeen heerka Maamul xumada Ee ka jirta Magaalada Wajaale Ay gaadhsiisan tahay,iyadoo Shabakada Wararka Wajaalenews.net idin soo gudbin doonta,Muddo Xileedka Gudoomiye Xaashi Maxamuud Cabdi iyo kooxda Wadaada ah ee Magaalada ka talisa ay gacanta ku hayeen Maamulka Dagmada Wajaale iyo Hadimooyinka ka dhashay Maamul xumadooda.

maamuladii wajaale 2

Waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Gudoomiyaha Degmada Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi,markii koowaad Xillka la wareegay,maalin ku beegan  28/8/2010,Gudoomiyihii hore ee Dagmada Wajaale Qawrax Muuse Xuseen,waxaanu Xillkaa hayay ilaa Maalin ku beegan,8/4/2015,isagoo muddo Shann Sanno ah uu xillka hayay,Gudoomiye Xaashi Maxamuud Cabdi,koox Wadaadada ah u suurto galiyay in ay Cashuuro baal marsan Sharciga ku qaataan Magaca Rugta Ganacsiga,halka uu ku wareejiyay Xillka Gudoomiyihii la soo magacaabay,Aadan Muuse Cilmi,oo ka mida Qurba Jooga S/land.

Sidoo kale,muddo gaaban ka dib,waxaa Xilkii laga qaaday,Gudoomiye Aadan Muuse Cilmi,waxaana xillkii loo magacaabay,Cabdi Saleebaan Xasan,maalin ku beegan,5/11/2015,oo ah Ganacsade Magaalada Wajaale dagan oo Caanku ah Muranka Dhulka iyo Dacwadaha Dhulka.

Mar kale,muddo gaaban ka dib,waxaa Xillkii laga qaaday Gudoomiye Cabdi Saleemaan Xasan,iyadoo Xillkii lagu soo celiyay Gudoomiyihii uu badalay ee Aadan Muuse Cilmi,maalin taariikhda ku beegan,5/6/2016,inkasta oo Gudoomiye Aadan Muuse Cilmi,ku talaabsaday Waxqabad iyo Horumar la taaban karo,balse nasiib darro,waxaa muddo gaaban ka dib,si lama filaana Xillkii uga qaaday Wasaarada Arimaha Gudaha,waxaana loo magacaabay Gudoomiyihii uu badalay,ahna Masuulka Waqtiga Xillka haya,Xaashi Maxamuud Cabdi,maalin Isniina oo taariikhda ku beegan,8/5/2017.

Inkasta,oo Bulsho waynta ku dhaqan Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale,ay ka warhayso in Maamulka Dagmadu kooto ugu xidhan yahay kooxo gaara ,Iyadoo Badalada Dagdaga ah Ee la isku Badalayo Masuulkii Shalay,Masuulka Maanta,ay sida Dayax iyo shan Tobnaadka,banaanka u keeneen in waxkasta oo xumaaday iyo Maamul Xumada ka jirta Magaalada Wajaale ay Masuuliyadeeda leeyihiin Maamuladaa la isku badalay,gaar ahaana uu leeyahay Gudoomiyaha ugu mudada dheer ee Maanta Xillka haya,Xaashi Maxamuud Cabdi,waxaanay dadka arimaha Maamulka aqoonta gaara u leh tilmaamayaan in Masuul  Bulshada uu xukumayay Kalsoonidoodii Lumiyay uu yahay  taasi oo laga cabsi qabo in Talaabooyinka Wado Banayna ee uu ku dhaqaaqaa keeni karaan Arimo Nabadgalyada wax u dhimaya.

Ugu dambayn,Bulshada ku dhaqan Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale,waxay ka codsanaysaa  Madaxwaynaha Jsl iyo Wasiirka Arimaha Guduhu in ay u kuur galaan Xaalada dhabta ah iyo Maamul Xumada ku habsatay, Degmada Tog Wajaale islamarkaana ay Talaabada Ku Haboon Ka Qaadaan Maamulkaasi,iyadoo Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale u baahan tahay in Xukuumada cusub ay ka guurto Nidaamka Beelaha ee ragaadiyay una guurto Maamul toosan iyo hanaanka Dawladnimo oo shaqeeya . 

 WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS