Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho
January 20, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N) – Wararka ka soo baxaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in labo diyaaradood oo ah kuwa yar ay isku dhaceen.

 

2018120636520283000983078diyarad-1

Wararku waxaa ay sheegayaan in shilkan uu yimid kaddib diyaarad ay leeyihiin Midowga Yurub ay ku dhacday diyaarad kale oo kuwa shacabku ay  raacaan oo ku sugneyd garoonka Aadan Cadde.

Diyaarada shilka gashay ayaa dooneysay in ay Parking gasho, waxaana ay halkaas ugu dagtay diyaarad kale oo xilligaas taagneyd.

Muuqaalo laga soo qaaday ayaa muujinaya in baal ka mid ah baalasha diyaarada ku duusho uu soo gaadhay burbur.

Diyaarada meesha taalay ee baalka uu ka bur buray ayaa waxaa leh Shirkad lagu magacaabo Galeyr oo sameysa safarada gudaha ah , xilligaasina waxaa ay u taagneyd duulimaad inay qaado.

COMMENTS
LINKS