ILAAQ-BADAN: Sheeko Xiiso Leh Oo Dhexmartay Gabadh Jeegaanta ah Iyo Wiil Giraanta ah; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ILAAQ-BADAN: Sheeko Xiiso Leh Oo Dhexmartay Gabadh Jeegaanta ah Iyo Wiil Giraanta ah;
January 20, 2018 - Written by Editor:

Gabadh Jeegaanta ah Iyo Wiil Giraanta ah Oo Haasaawe ka dhexeeyey ayay Sheekadani dhex Martay. Qalinkii Abwaan Sakariye Awaare

Waxay tidhi:

Waayadan jacaylkii

Jeenigaad ku laaddoo

Haddaan juuq idhaahdana

Cadhaad ii jiq noqotoo

Jawigaagu waa siye

Maxaad jaalle diiddaan

Kaa jaahil saaraa?.

Wuxuu yidhi:

Inanyahay Jacaylkii

Iyo caashaqii jiray

Uma jeedo aniguye

Dawlad jeeb la galiyoo

Jees ba jees u dhiibtiyo

Hagbbad jaahwareertaan

Soo jihaynayaayoo,

Inu Waddanku sii jiro

Ama aanu sii jirin

Ayaan kala dhex joogaa

Waan soo jawaabiye

Aan jaanis kaa helo.

 

Waxay Tidhi:

 

Qaali Jiidda hawdkiyo

Jarar iyo Safeeriya

Kuma jeel baxaayoo,

Jidiinkayga Qamandidu

Sii jiidhi maysoo,

Jirkaan dhaansan maayoo,

Jiilaalki tegay baa

Jiidh culus i korayoo,

Kabahay jaraayoo,

Waan jidiin-qalalayaa,

Jabhadaynta naga daa,

Jihaadkaagu Muusuu

Jallaafaynayaayoo,

Jidadkaa burburayee,

Ha janjeedhsanaatee,

Ha jirtoo ha joogtee,

Hagbbaddani ha joogtee,

Laba jilib ha moodine,

Waa Qaran la jecelyee

Dawladda la jaanqaad

Jeegaanta soo raac

Jago aan ku gaynnee.

Wuxuu Yidhi:

Waxba hay jujuubine

Jaariyad ma noqon karo

Jeegaantu wadatoo

Jago deeqa helayoo

Jabka lagu qurxinayoo

Jawaab-daar ka weyniye,

Dawladnnimo la jilayiyo

Hagbbad jar iska xoor ahi

Igu joogsan maysee,

Abidkeen dhul lagu jabay

Waynu soo dhex joognnee,

Jeegaantaan ogaayoo

Jinsi gacal ahaadiyo

Jifo hoose laga dhigay

Jaah Qaranna lagu dilay

Ku jihaada mooyee

Ma jawaab kalaa furan.

Waxay tidhi:

Jaraa’idku wuxuu qoray

Jeegaanta muusaa

Kaa soo afjarayoo,

Dulmi weyni ma jiree,

Jaaniskiisan oo qudha

Jidka Ceeriggaabiyo

Webiyaal ha jeexee,

Ha ka jiidhin ee daa’.

Malaa dee Jamaamiyo

Meel kalaad u jeeddaa,

Ololuhu markuu jiray

Muusaa ba odhan jiray

Jawhar baad u socotaan,

Jaalle nabadda uun eeg

Jeelka yay ku gaynnine……….

….. La Soco. Q 2-aad.

COMMENTS
LINKS