Guddidii Madaxweynuhu u Xilsaaray Banaynta jidadk Magaalada Tog wajaale Oo la Mustafeeyey Iyo Guddi ka Hawl Gashay Fashilinta Qorshahan, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddidii Madaxweynuhu u Xilsaaray Banaynta jidadk Magaalada Tog wajaale Oo la Mustafeeyey Iyo Guddi ka Hawl Gashay Fashilinta Qorshahan,
January 21, 2018 - Written by Editor:

Si loo Hakiyo Mashruucii banaynta jidka Magaalo Ganacsiyeedka togwajale ayaa waxa ka hawlgalay Guddiyada magaalada togwajale taasi oo ay ganacsatada yaryar ee jidadka la baneynayaa ay saamaynayaan laga ururiyey dhaqaale.

Dhaqaalahaasi oo ay guddidani ku macneeyeen in la siin doono Guddida Xukuumada dhexe u xilsaartay banaynta jidadka,

Hawlgalka Banaynta jidaka oo la Filaayey in la bilaabo 20/jenuary 2018 ayaa hakad la galiyey kadib markii subaxnimadii saaka ay jilbaha is dhigeen Guddidii Magaalada qaadhaanka ka ururiyey iyo guddidii uu gadhwadeenka ka ahaa Wasiirka hawlaha guud, waxana la isla Qaatay in dib loo dhigo ilaa (xiin)wakhti aan cayinayn,

Wasiirka hawlaha guud ayaa ku soo xidhay hadalkiisa, Anigu waxan ahay nin reer Buuhoodle ah Magaaladaydu Malaha Townplan markaa haddii aad reer wajaale ahaan diideen in jidadka la idiin baneeyo  waxad sugtaan wakhtiga Buuhoodle xukuumadu ay gaadho, Arintani ayaa bulshada reer togwaajale aad uga biyo diideen in dib loo dhigo mashruucan Qaaliga ah Madaxweynuhu qorsheeyey,

BANAYNTII WAJAALE

 Waxanay walaac ka muujiyeey in Go’aankan laga noqonayo Amarkii madaxweynuhu uu lafjab ku yahay Xukuumada Uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi cabdi,

Waxanay dadku isweydiinayeen Madaxweyne Muuse biixi haddii uu Amarkiisu ka shaqayn waayo Togwajaale iyo Berbera halkee  ayuu xukumidoonaa,

 Guntii iyo Gabagabadii waxa Golihii Wasiirada Muuse biixi ka soo ifbaxaya tamar la’aan iyo in aanay ahayn Gole fulin

    Kara awaamiirta Madaxweynaha

    Wabillaahi towfiiq

    By Mustafa xuseen carraale

COMMENTS
LINKS