Gardarro Iyo Xasarrad La,aan Xooggaaga Ciidan U Baro Si Ka Duwan Sida Maroodiga…W/Q: Maxamed Hagi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gardarro Iyo Xasarrad La,aan Xooggaaga Ciidan U Baro Si Ka Duwan Sida Maroodiga…W/Q: Maxamed Hagi
January 21, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho iyo Garoowe waa la ga ogyahay in ciidanka Somaliland uu yahay kii ay AMISOM u ga warbixisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2015 – kuna sheegtay mid ay adag tahay in la loodiyo.

hagi

Ciidan dhismayey 25 sano oo meelo badan taageero ka hela miisaaniyadda qaranka inteeda ugu badanina ay gasho. Ciidan kalsooni qaba oo muddakar ah gabood-fal na aan la ga soo sheegin hawl-galladiisa joogtada ah.

Ciidan ka xoog badan dalal badan oo Bariga Afrika ku yaal awood ahaan na u dhaw Eritrea ka se xoog badan kuwa Kenya marka la ga reebo ciidanka cirka sida ay aaminsan tahay Pentagon xarunta saldhigga Camp Lemonnier ee Jabuuti.

Ciidan uu sal-dhigga Faransiiska ee loo yaqaan Les Forces Françaises Stationnées à Djibouti (FFDj) uu kaga warbixiyey Command ka warbixinta Bariga Afrika ee NATO in ay ciidanka Somaliland yihiin sida tan:-

Waa sida hadalka warbixintu ay u dhigtay e; dad dawladdii ay ka mid ahaayeen (Soomaaliya) si xun u xasuuqday oo dhib iyo rafaad badan la soo mariyey oo markii ay guusha heleen keliya ku fekeray in aaney dib ugu dhicin wixii ku dhacay.

Sidaa darteed, ciidanka xoogga weyn ee ay sameysteenna (Somaliland) uu keliya ka turjumayo ‘Trauma’ dhibka ka qabsaday midnimada Soomaalida. Waana dad u diyaar ah in ay sharafkooda ilaaliyaan ee ma aha kuwa ku khatar ah mandaqadda iyo danaheenna Bariga iyo Geeska Afrika.

Ciidan ay si dadban u ga warbixiyeen – mararka qaarna ay wada shaqayn leeyihiin RAF Covert Command Operations UK – oo la gu tilmaamay in uu gacan weyn ka geystay xasilloonida mandaqadda, waajibna ay tahay adduunku in uu taageero gaar ahaan UK, US, France & Ethiopia.

Ciidanka Somaliland waa ka xooggiisa sidaa adduunyada ay u ga warbixisay – waxana iyana nasiib wanaag ah in dhammaan maamullada Soomaalidu ay sidaa u ga war-qabaan. Farmaajo iyo Cabdiwali runta waa ay ogyihiin – Somaliland nabad ayey rabtaa Tukaraq iyo sugidda xuduudaha Somaliland na gorgortan sinaba loo ga gali maayo.

Shacabka reer Somaliland waxa aan u sheegayaa in dawladnimadooda rumaystaan – oo ay quluubtooda mideeyaan. Dawladnimada iyo cududda ciidan ee dedaalka intaa le’eg ku timi waa mid ay hanti ahaan u leeyihiin afarta milyan ee qof ee Somaliland wada lihi. Karti iyo wadajir ayaad ku keenteen awoodda caalamku qiray ee uu wanaagga haddana u aqoonsaday.

Arrimaha ciidanka iyo xoogga ay dawladi leedahay waa sir – waana sida i gu kelliftay in aan idiin kor xaadiyo aragtida ciidanka Somaliland adduunyadu ka qabto gaar ahaan inta la la wadaago dunida academia ee daraasaadka amniga Bariga iyo Geeska Afrika .

Intani waa inta daahfuran ee adduunyadu ay sida tooska ah u waraabisay khuburada uu ka midka yahay Professor Gerrard Prunier iyo in badan oo kale oo hay’ado amni ah. Sababta ugu weyn ee aan xogta tan idiin la wadaagay waa in ay tahay mid la ga wada warqabo iyo run mandaqadda taal – dhan kalena waa in shacabka Somaliland aannu yeelan dabciga Maroodiga.

Mar labaad Somaliland nabad ayey rabtaa in ay jaarkeeda kula noolaato, rafiiqnimo iyo walaalnimo ayey rabtaa in ay Soomaali kula noolaato. Laakiin sinaba u yeeli mayso wax wal oo ka hor imanaya masaalaxeeda amni, siyaasadeed iyo dhaqaale. Tukoraq dadkii lahaa ayaa jooga oo reer Somaliland ah oo maanta maalin ay isaga duubni badan yihiin aaney jirin – mar haddii Khaatumo Somaliland la midowday.

 

Qalinkii: Mohamed Hagi Mohamoud

 

COMMENTS
LINKS