“Kala Doorashada Duni Maaddi ah Iyo Mid Ruuxi ah Aadamuhu Uu Il-duufay.” Cabdinaasir Axmed Abraham. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Kala Doorashada Duni Maaddi ah Iyo Mid Ruuxi ah Aadamuhu Uu Il-duufay.” Cabdinaasir Axmed Abraham.
January 21, 2018 - Written by Editor:

Mahad iyo ammaan Eebbaa mudan, naxariis iyo nabad-gelyo dushiisa ha ahaato Nebi Maxamed Isaga iyo Asaxaabtii iyo Dadkii Raacee Rumeeyay.

Doodda ah in Aadamuhu aanu ahayn mid guunyo keli ah u nool, waa dood aan u arkay in goortan ay taagan tahay in durbaankeeda la garaaco. Aadmigu ma shilin ayuu u nool yahay? Weydiintaa in la lafo-guro oo wakhti ku filan la siiyo ayaan u arkay in ay mudnaan lahayd.

Arrintani waxa ay ka mid tahay arrimaha xiisa badan ee jaad-gooniga ah “Unique” ee falsafaddu aad ka uga gaabsatay lafa-gurkeeda. Sidoo kale aqoon-yahanku wax badan kama odhan, waxa aanan qabaa in halkaasi mudan tahay in bu’da nal ka lagu dhoweeyo si ay aad ugu caddaato.

Fakaagga u dhexeeya dunida maaddiga ah iyo ta ruuxiga ahi aad ayuu u weyn yahay. Dunida ruuxiga ah waxa ugu mudan ee la dhowraa waa AKHLAAQDA, halka dunida maadiga ah waxa ugu weyn ee la dhowraa yahay SHILINKA. Sidaa awgeed, ayuu shilinku u noqday waxa Aadamuhu xooggiisa iyo wakhtiiga ugu badan ba geliyo. Illaa hadda raadinta iyo keydinta shilinka Aadamuhu meel kasta oo sarreysa oo uu ka gaadhay ma noqon mid badhaadhe nololeed horseedda, waxa laga dhaxlay helista shilinka rafaad hor-leh iyo raxan-raad.

Horumarka maaddiga ah ee qof sameeyo ayaa noqday mid aad iyo aad uga muhiimsan ka ruuxiga ah, halkaana waxa ka dhashay in xiddigaha dunidu noqdaan kuwa ugu akhlaaqda liita.

Filimaanta xunxun kuwa jila ayay warbaahintu buunbuunisaa, si xumaha laftiisa dadka loo jeclaysiiyo ayaa xiddigaha hormuudka dunida looga dhigay, BAD BOYS”Wiilasha xun-xun” Waxaas oo dedaal ah hal ujeeddo ayaa laga leeyahay aragtiinkayga taasi oo ah; in la burburiyo akhlaaqda ilma aadan.

Fahanka reer Galbeedku ay fahmeen in horumarka Aadamaha ay laf dhabar u tahay akhlaaq wanaaggu ayaa keenay duulaanka burburinta akhlaaqda. Duulaanka dhaawac-tirka akhlaaqiyaadku halkii ugu sarreysay ayuu haatan soo gaadhay, waxa aan hogo-taasaale uga soo qaadan karnaa dhiiri-gelinta dadka isku jinsiga ah ee wax-iska-daya. “Same sex marriage” iyo in Aadamaha oo ah noolaha ugu sharafta badan ee dunida ku nool uu raaxada baahidiisa jinsi u doonto xayawaanka, sida Dameerka, Ayga iyo wixii la hal-maala. Taasi oo ah bartii ugu sarreysay ee Aadamuhu akhlaaq darro ka gaadho.

Ku noolaanshaha duni maaddi ahi waxa ay cirka ku sharreertay walaac iyo warwar nololeed oo aad u qoto-dheer, haddii aan erey Soomaali ku habboon baadi-goobo waxa aan adeegsan karaa, Qulub “Stress” kaasi oo nolosha dhuuxa ka saaray, qulubka dartiina malaayiin qof baa nolosha uga haajira gu’ walba. Adeegsiga maan-dooriyeyaasha ayay dadku damceen in ay kaga dhuuntaan cidhiidhiga nololeed ee aad ka u kakan, hasa yeeshee way noqon weyday xal midho-dhaliya.Sidaa darteed, ayuu figta sare ee macaanka iyo raaxada nolosha ee dadku meel kasta oo ay joogaan ba orodka ugu jiraan uu u noqday XASILOONIDA QALBIGA waxa afka faranjiga lagu yidhaa, “Inner peace.” Raaxada Qalbigu dunida maaddiga ah waa tuke-baal-cad ama xaar mas, halka dunida ruuxiga ah ay ka taal irridda laga galo.

Waxa run ah in uu jiro baraarug ruuxi ah oo hor leh, walow aan rumaysanahay in uu gaabis yahay. Hasa yeeshee, In aan ka jarmaadno dunida maaddiga ahi waxa ay innooga baahan tahay, fahan nololeed oo ka badax-bannaan aragtiyaha qalaad gaar ahaanna kuwa reer Galbeed.

Hab nololeedka dawladnimo ee Dumuqraadiga oo goortan turunturrooday na wuxuu ka quustay in uu maareeyo dhibaatooyinka dhaqan-siyaasaddeed ee dunida.

Hannaanka nololeed ee Isaamiga ahi xal-waara uu ka dhalin karaa dunida waxa aanu horseedi karaa barwaaqo iyo badhaadhe nololeed oo dunida wada gaadha. Nolosha in hoggaan ka fur laga dhigo oo wax walba Aadamuhu uu xor u yahay oo yeeli karaa waa tiirka ugu weyn ee Dumuqraaddiyaddu ku manno-sheegato, raaxada noloshuna waxa ay ku jirtaa in nafta wax na loo diido wax na ay u furan yihiin.

Ugu dambayn waxa aan dhiiri-gelinayaa in baraarugga ruuxeed ee dunida ka jiraa kobco,

COMMENTS
LINKS