Xil-Wareejintii Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashada Iyo Jewiga Madal lagu wada Qiray Hoggaamintii iyo Waxqabadkii Agaasimihii Hore. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xil-Wareejintii Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashada Iyo Jewiga Madal lagu wada Qiray Hoggaamintii iyo Waxqabadkii Agaasimihii Hore.
January 23, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa,(W,N) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Axmed Abokor Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Wasaaraddaas u soo magacaabay Md. Maxamed Faarax Xareed.

Xilwareejinta

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo labada Agaasime xilalkii kula kala wareegeen ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee wada-shaqaynta la leh Wasaaradda, Madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiye Daauud

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Daa’uud Axmed Faarax ayaa sheegay in muddadii koobnayd ee uu Axmed Abokor ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda uu wada-shaqayn fiican la sameeyay Xafiiska Imtixaanaadka, taas oo suurtogalisay in wax badan laga qabto la-dagaallankii Qishka ee sannad-dugsiyeedkii ina dhaafay ee 2016/17.

Md. Daa’uud waxa uu xusay inay Wasaarad ahaan in badan tebi doonaan doorkii hoggaamineed ee Agaasime Axmed Abokor, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Agaasimaha Guud ee cusubna ay ka rejaynayaan wada-shaqayn u dhiganta tii Agaasime Abokor.

DG Abokor Faratoon

Madaxa qaybta waxbarashada ee xafiiska UNICEF ee Hargeysa marwo Safiya Jibril ayaa iyaduna Agaasimaha xilka wareejinaya Md. Axmed Abokor ku ammaantay kaalintii uu ka qaatay dhammaystirka qorshaha shanta sanno ee Waxbarashada Qaranka (ESSP), iyo sidii uu kor ugu qaaday xidhiidhka hay’adaha iyo Wasaaradda waxbrashada.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa xusay in xafladan ay tahay  tii ugu horraysay ee xilwareejin ah ee uu waligii ka soo qayb galo, isaga oo taasna ku sababeeyay qiimaha uu waxbarashada u hayo. Suldaanku waxa uu soo dhoweeyay Agaasimaha cusub Md. Maxamed Xareed isaga oo Ilaaahay u weyddiiyay inuu xilka ku asturo.

Waxa kale oo uu Suldaan Cumar ka warramay shakhsiyadda iyo hoggaaminta Agaasimihii Guud ee hore Md. Axmed Abokor Maxamed, isaga oo Madaxweynaha ku bogaadiyay xulashada  uu mar kale Axmed Abokor ugu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga.

Xilwareejintii

“Axmed Abokor waa nin dhallinyaro ah. Laakiin waa nin intiisa ka weyn. Waa tusaale fiican oo bulshada iyo dhallinyaraduba ku dayan karaan. Waxaan u rejaynayaa in uu noqdo mid meesha uu tegayana (Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga) noqdo mid ku filan oo ku firfircoon. Madaxweynaha waan ku hambayaynayaa inuu abuuro Wasaaradda Maalgashiga, waayo waxaynnu nahay dal kobcaya oo maalgashi u baahan” ayuu yidhi Suldaan Cumar Suldaan Maxamed.

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo xafladda ka hadlay ayaa u soo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada in waxbarashada hoosta laga dhiso si tayada waxbarashadu u hagaagto. Prof. Guuleed waxa uu xusay inuu in badan macallin ahaa, sidaa darteed uu mar kasta oo qof ardaygiisii ahaa madax noqdo uu aad farxo islamarkaan oo uu dareemo inuu CVgiisu kor u sii kacay. Wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland iyo Agaasimaha xilka wareejinayaba uu macallin u soo noqday taasina ay isaga farxad u tahay, isaga oo hoosta ka xarriiqay in uu Axmed  Abokor ku yaqaanno dedaal, una rejaynayo mustaqbal fiican.

Guud ahaan madaxdii iyo mudantii kala duwanayd ee madasha ka hadlay ayaa dhammaantood ku nuuxnuuxsaday hawlkarnimada, hoggaaminta iyo dad-isku-wadka Agaasimihii Guud ee laga beddalay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Axmed Abokor Maxamed, iyaga oo u rejeeyay mustaqbal wanaagsan iyo inuu ka sii dallaco xilka uu hadda hayo. Agaasimaha Cusub mudane Xareedka waxay kusoo dhaweeyeen lab furnaan iyadoo kula dardaarmay inuu wadatasho ku wado shaqada.

Agaasimihii Guud ee xilka wareejinayay Md. Axmed Abokor Maxamed ayaa isaguna ka warramay marxaladihii ay Wasaaraddu soo martay iyo waxqabadkii u hirgalay muddadii lixda bilood ahayd ee uu xilka Wasaaradda hayay, isaga oo hoosta ka xarriiqay qabyo-tirka qorshaha shanta sanno (2017-2021) ee Waxbarashada Qaranka (ESSP), soo-noolaynta xidhiidhkii wada-shaqayneed ee hay’adaha la shaqeeya Wasaaradda, la-dagaallanka qishka, barnaamijka dib-u-tayaynta waxbarashada, Tababarka macallimiinta iyo mashaariic cusub oo lagu horumarinayo wasaaradda oo ay hindiseen, lana saxeexdeen hay’adaha deeqda bixiya.

Agaasime Axmed Abokor waxa uu sidoo kale soo jeediyay in ay laga maarmaan tahay in miisaaniyadda waxbarashada ee qaranka la kordhiyo si waxbarashada dalkeennu tayo u yeelato, waxaanu shaqaalaha Wasaaradda uga mahadnaqay sidii fiicnayd ee ay ula shaqeeyeen, isaga oo kula dardaarmay in sidii fiicnayd ee ay ula soo shaqeeyeen ay agaasimaha cusubna ula shaqeeyaan.

Agaasimaha Guud ee loo soo magacaabay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Prof. Maxamed Faarax Xareed, oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay xilka madaxweynuhu u magacaabay, isaga oo ballanqaaday in muddada uu xilka hayo uu ku dedaali doono sidii uu wax uga qaban lahaa horumarinta iyo tayaynta tacliinta Somaliland.

Ugu dambayn, waxa madashaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somalliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), waxaanu xusay inay xoogga saari doonaan sidii tacliinta dalka loo tayayn lahaa, isaga oo labada Agaasime Guud na si rasmi ah ugu kala wareejiyay xilka.

Xafladda xil-wareejinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa ku soo gebagabowday jewi wanaagsan, iyada oo shaqaalaha wasaaraddu dhammaantood isku raaceen inay agaasimahoodi laga beddalay tebi doonaan, maadaama uu si fiican ula soo shaqeeyay, waxaanay ugu duceeyeen mustaqbal fiican.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa horraantii toddobaadkii la soo dhaafay Md. Axmed Abokor Maxamed u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, halka uu Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska na uga magacaabay Prof. Maxamed Faarax Xareed.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EAMAIL; WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS