Dalka Kenya Oo Dayax Gacmeedkii Ugu Horeeyay Samaysanaysa, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka Kenya Oo Dayax Gacmeedkii Ugu Horeeyay Samaysanaysa,
January 23, 2018 - Written by Editor:

Injineerada ka socda jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya ayaa Dhisay Dayax Gacmeedkii ugu Horreeyay oo muddo laba Bilood gudahood ah xadhiga laga jari Doono.

dalka kenya

KENYA(W,N) Dayax gacmeedkani oo dhan 10 cm ayaa lagu magacaabaa Dayax gacmeedka Nano.

Dowladda Japan ayaa bixisay dhaqaalaha lagu dhisay Dayaxgacmeedkani , balse waxaa qaabaynta iyo dhisada iska leh dad Kenyan ah.

Dowladda Japan ayaa mashruucan Dayax gacmeedka ugu deeqday lacag dhan 1milyan oo doolar.

Dayax gacmeedkani ayaa loo isticmaali doonaa in lagu indha-indheeyo kobaca beeraha iyo la socodka xeebaha dalka.

Dayaxgacmeedkani ayaa bisha March loo diri doonaa hawada sare.

Waxa ay arrintani Kenya ka dhigaysaa in ay ka mid noqoto 6 dal ee qaarada Afrika ku yaalla kuwaasi oo Dayax gacmeed hawada sare u diray.

Waxaa isbadal uu ku imanaya sannooyiinkii ugu dambeeyay hanaanka Dayaxgacmeedyada hawada sare loo diro.

XIGASHO BBC

COMMENTS
LINKS