Ma Dhabaa In Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Ka Joojisay Shaqsiyaad Ay Xukuumadii Hore Qandaraas Ku Siisay Buugaagta Gaadiidka?? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Dhabaa In Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Ka Joojisay Shaqsiyaad Ay Xukuumadii Hore Qandaraas Ku Siisay Buugaagta Gaadiidka??
January 23, 2018 - Written by Editor:

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Lafilayo In  Ay Joojiso Gacanta Dawladana kusoo Celiso Adeegyo kamida kuwa Dawladu Bixiso Oo Xukuumadii Hore Ee Siilaanyo Sifooyin Sharciga Baalmarsan Ku Siisay Cid Gaara Iyo Shacabka Somaliland Oo ku Diirsaday Talaabooyinka Xukuumada Cusub!!

Hargaysa (W.N)Xukuumada Cusub Ee  uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxwaynaha Shacabku doortay Ee Muuse Biixi Cabdi ayaa Qaaday Durba Talaabo ay ku diirsadeen shacabka Somaliland ka dib markii xukuumada cusubi meesha ka saartay dhamaan qandaraasyadii xukuumadii hore sifo sharci daro ah  iyo eexa oo ay  ku bixisay Kuwaasi oo Badankoodu  Aanu suurto gal ahayn  in Cid aan dawlada ahayni Gacanta Looga Galiyo.

Hadaba Ilo Xogogaal ah oo ay heshay Shabakada Wararka Ee Wajaalenews  ayaa xusay in Gabi Ahaanba la Joojiyay Qandaraaska  Nidaam Cusub oo loo Rarayay Buugaagta Gaadiidka dalka ka hawl gala oo hore u ahaa buug gacmeed yar oo xusaya macluumaadka gaadhiga balse xukuumadii hore u qorshaysay in laga dhigo kaadh yar oo adag lehna qaabka kaadhka dhalashada oo kale.

buuga gadiidka ee cusub

Xogahani ayaa sidoo kale xusay in qandaraaskan sifo qaldan oo Eex ku salaysan ay Xukuumadii Hore Qandaraas ugu siisay  Xubno kamid  ahaa gacan yarayaasha siyaasada ee xukuumadii siilaanyo kuwaasi oo lagu siisay qandaraaskiisa lacag malaayiin doolar ah, Iyadoo  sida wararka laga helayaan tibaaxeen  ay isku raas yihiin Madaxwaynaha Somaliland muuse biixi balse uu ku dhiiraday joojintiisa ,

  Xukuumada  cusub ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi ayaa   gabi ahaanba joojisay qandaraaskaas Amarna ku bixisay in Buuga gaadiidka sidiisii hore lagu daayo.

 Nidaamkan Cusub Ee loo rarayay Buuga gaadiid Ayaa Marka laga tago sifaha sharciga baalmarsan ee lagu bixiyay waxaa sidoo kale  ka Horyimid Caqabado badan oo ay ugu horayso Nidaamka Cashuurta sida Loogu bixinayo Iyo Dabcan Marka La Doonayo in lagu Sameeyo kala Wareejin Sida loo waajahay oo noqon wayday Mid Suurto Gal ah,

Dhanka kale Xukuumada Uu Hogaaminayo Madwxayne Muuse Biixi Ayaa Lafilayaa In Joojin iyo Dabagal Kusamayso  Qandaraasyo Dawladnimada dhaawac ku ah Oo Xukuumadii Hore Ee Madaxwayne Siilaanyo Dad Gaara kusiisay Amaba Qabashada shaqadii Ay wasaaraduhu uxil saarnaayeen gacan ku hayntooda oo xiligaa shaqsiyaad gaari hab ganacsi ugu wareejiyeen ,

MADAXWAYNE MUUSE BIIXI

Qandaraasyada ay Dawlada Cusubi Gacanta Dawlada Kusoo Celinayo Ee xukuumadii Hore Bixisay ayaa waxaa Ugu Muhiimsan ,

1; Liisanka Gaadiidka oo cid Gaara la siisay Bulshadana lagaga Qaado Dhaqaale farobadan Kaasi oo ku dhaca Gacanta Dad Shacabka,

2; Laydhkii dawlada oo sidoo kale xukuumadii hore Ugacan Galisay Qaarkamida Ganacsatada dalka xiligana umuuqda mid gabi ahaanba xidhmaya

3; Visa Basaboorka Somaliland oo Isna dad Shacab ah hore loogu gacan galiyay

4; Warqada  Lagu Bixiyo Lacagta Wada Marista Gaadiid oo Iyana Qandaraaskeeda lasiiyo shaqsiyaad gaara,

5; Haamihii kaydka  Shidaalka oo Iyana Ganacsato Gaar ah ay Xukuumadii hore ku wareejisay, taasi oo halis wayn ku ah  nidaamka dawladnimada iyo sidoo kale masuuliyada ah in dad ganacsato ah oo dhaqaale Raadista lagu Aamino kaydka Shidaalka Dalka Oo Xili kasta ay ku Iman karto Arimo dhaawac Gaadhsiin kara Dawlada ay Sobobi karto Gacan ku haysta Shaqsiyaad Dhaqaale Doon ahi.

 Si kastaba ha ahaatee xukuumadan Cusub Ayaa mudooyinkan u danbeeyay qaaday talaabooyin ay ku diirsadeen shacabka Somaliland oo u muuqda kuwo daawo u noqon kara Boobkii hantida qaranka ay kula kaceen xubnihii dawladii hore  Eexda iyo Qaraabokiilka ay ku suntanaayeen maamuladii kala danbeeyay Ee Soomaray  Dalka Somaliland  khusuusan Xukuumadii Madaxwayne Silaanyo.

  

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS