Mashaariicda DFID, Adam Smith International & Axiom International Waa Ku Halis Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mashaariicda DFID, Adam Smith International & Axiom International Waa Ku Halis Somaliland!
January 26, 2018 - Written by Editor:

Run ahaantii Marka aad eegto Mashaariicaha UK Aid Ee DFID la Yidhaahdo kama War Qabno Musuq-maasuqa ay inaga dhex Wadaan iyo Khatarta aynu ku Suganahay.

Adam Smith International waxay ahayeen Shirkadii u horeysay ee Somaliland Heshay Qandaraaska Tayaynta Ciidamada Booliska Iyo Shuruucda Maxkamada, shirkadan iyada ah Fadeexad aad u wayn oo Musuq-maasuq baahsan ayaa lagu soo oogay Laguna helay taaso la horgeeyay Baarlamaanka Ingiriiska, laakiin Maka War Qabtaan in dalkeena Somaliland Qayb ka ahaa oo saraakiil dalkeena u dhalatay ay shirkadaasi ku laaluushtay in aay Warqad Codsiya u Qoraan si ay Mashaariic kale uga helaan Xukumada Ingiriiska oo lacagteedu dhanayd Malaayiin Giniga Ingiriiska ah,

AXIOM DFID

waxaa iyana ka qayb ahayd Shirkada Safeway Travel oo qaabilsanayd qaybta Logistic ga iyo gudbinta Laaluushyada Saraakiisha. Waxaa kaloo iyana hada ku sugan dalkeena Somaliland Shirkada Axiom International oo Mashaariicda la Wareegtay Kadib markii Shirkadii Adam Smith International fadeexadii Musuq-maasuqeedu baahay. Hadaba Axiom International iyana dhankeeda waxba may dhaamin tii Hore waxaa Dhacday in  iyana aay ku kacday falal ku lid ah amniga Somaliland oo sida mudaharaad kii Stadium Hargeisa  shaqaaqo aad u wayn dhaliyay iyo Waxyeelo badan oo gaadhay Shicib iyo Booliisba sababay taaso ay daarnayd sidii Mashruuc cusub ay u heli lahayd Sanadka Cusub iyadoo aay la fuliyeen una fududeeyeen Saraakiil Booliska Somaliland ka mid ahi oo aay laaluusheen.

 

La Soco Qaybtii Koowaad.

Aden Abdi Daher

COMMENTS
LINKS