Nidaamka Xukuumadeenu, Jaanta Saartay Waa Hadal Yar Iyo Hawl Badan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nidaamka Xukuumadeenu, Jaanta Saartay Waa Hadal Yar Iyo Hawl Badan.
January 27, 2018 - Written by Editor:

Uma holan inaan qoro qoraal bogag gaadha, haseyeeshe waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago qormo kooban oo si guud ahaaneed tilmaan uga bixinaysa nidaamka maamul ee xukuumadeenu qaadatay, kaas oo amakaaga iyo fajaca ku noqday bulsho-weynta reer Somaliland ee baaxada leh badidooda.

Nidaamkan filan-waaga iyo fahmi-waaga inagu noqday, ee foolaadkiisa iyo fartiisuba mid qalaad inoola eekaatay, waa mid caksi ku ah toobiyiihii iyo tabihii ay jaanta saareen xukuumadihii hore usoo hayay hogaanka dalkeena, waana hayaan iyo hir maamul oo hore loogu hungoobay haraadna loo qabay.

Garyaqaan jicisin

Xaasha’e, ma hiifayo mana halmaansani hogaanadeeni horeeto, ma hakranayo mana hadhaynayo hilinkoodi tognaa ee taabo-galka u ahaa qaranka kani, ee waan ku hambalyaynayaa, haybadna ugu yeelayaa, ninba halkuu na taray, haseyeeshe qormadani waa midaan ku hogo-tusaalaynayo hanaanka maamul iyo hilinka toosan ee ay  haabka saartay, xukuumada hada hanatay, hanaanka dalku.

Hadaba, hadaan hore ugu sii socdo qormadeena, sideedaba hadal badan iyo hawl badan maaha labo is waafaqaya, hal meelna wada dagi kara, laguna haraad bixi karo, haseyeeshe hadal yar ayaa lagu ladhi karaa oo lagu laamanayn karaa hirgelinta hawlo badan oo lagu haqabtiro baahiyaha iyo tabashooyinka kala jaadka ah ee bulsheed, oo ay ugu horeeyaan, midaynta laabaha kala duwan ee bulshada iyo helida baahiyahooda aasaasiga ah, sida biyaha, waxbarashada, caafimaadka iyo kobcinta arimaha taabanaya nolosha dadka oo ay kow ka tahay maaraynta sicir-bararka iyo arimaha xidhiidhka la leh.

Ma ogi in talaabadani tahay mid gundhig u ah maamulka hada iyo inay tahay mid tilmaamaysa inaanay Xukuumaddu af-dilaacsan oo hada hadal-barasho ku gudo jirto, haseyeeshe waa humaag aan ka halacsaday, jidka ay qaaday tan iyo intii ay majaraha u qabatay hogaanka dalka.

Hadaba Muwaadin, hanaanka kani ay ku balaysintay xukuumaddu hawlaheeda ee ah, hadal yar iyo hawl badan waa mid u baahan inaynaan ka habaabin, ka hilmaamin, ka hiinraagin, ka huleelin, ee aynu ku haab-galno, oo hareer-galno, hanaanka togan iyo hilinka toosan, ee ay haabatay, xukuumadda haatan,  hogaanka haysa.    

QALINKII. GARYAQAAN MAXAMED XASAN JICSIN

EMAIL. 4431510@GMAIL.COM

TELL. 063 4431510

QORMO FURAN OO KU QOTONTA ARAGTI SHAKHSIYA  

COMMENTS
LINKS