WAJAALE NEWS
Somaliland: Sababaha, Saameynta Iyo Seeteynta Sicir Bararka.
January 27, 2018 - Written by editor editor

HORDHAC

Dhibaatada sicir bararku maaha ugub waa mid muddo badan soo jiitameysay, wax ayna la kowsatey sannadkii 1994 markii la sameeyay lacag dalku leeyahay, wagaas waxa lala kulmey sicir barar balaadhan oo saameeyay dalka. Sicir bararkaasi wax uu ahaa mid asbaabihiisa kala duwan watey, hasayeeshee seddexdii sanno ee ugu danbeeyay xukuumaddii Siilaanyo ayuu xadhkaha goostey oo halkii ugu xumayd gaadhey abid, khatartiisuna waxaa laga yaabaa in ay sii socoto waayo Wali ma cadda sababaha sixir bararka ee SL, xaqiiqduna wax ay tahay xukuumaddu wax ay dhayeysaa mililka dushiisa halkii ay ka daweyn lahayd cudurka dhabta ah ee Sixir Bararka iyo Sarifka.

Ma jiri karto daawo waxtar leh haddii aan hoos loogu daaddegin dhibtu waxa ay tahay iyo sababaha aasaasiga ah ee arrintan la xidhiidha. Si kastaba ha ahaatee, dhibtii oo aan loo gondadegin korkana laga daaweeyo iyo sababaha dhibta oo loo arko ifafaalayaasha ayaa ah ta sii murginaysa wax ka qabashada iyo xakameynta mushkilada Sicir bararka iyo Sarifka.

“Cudurka kaa gala fardaha

Haddii laga gubo dameer

Daawada lama gaadhayee”

SABABAHA SICIR BARARKA

Isirrada ugu waa weyn ee loo aaneynayo in ay sababeen Sicir Bararka Soomaaliland wakhtigan aynnu joogno wax ayynu u kala qaadeynaa isirro hore u sii jirey  iyo isirro dabka ku sii shidey.

Isirrada hore u sii jirey waxaa kamida:-

Waxsoosaarka Hooseeya ee dalkeena, dhammaan wax aynnu cunno iyo agabka aynnu isticmaalo 85% waynnu soo dhoofsanaa. Haddii shillinku qiimo dhaco, Qiimaha badeecacada aynnu soo-dejisaney wuxuu noqonayaa mid aad u qaaliya taasina wax ay horseedaysaa in sicir bararku kor u kaco. Sidaas daraadeed wax aynnu ku qasbananaynaa in lacag badan ku bixino si aynnu u iibsanno badeecado la soo dajiyey oo isku mid ah.

Habacsanaanta Baanka dhexe iyo wasaaradda Maaliyadda ee adeegsiga la’aanta siyaadsada maareynta lacagta iyo miisaanyidda ayaa iyaguna kamida sababha sicir bararka sii xoojinaya, waayo baanka dhexe ma jirto siyaasad lacageed iyo istaraatijiyad cad oo uga dagsan hanaanka dheellitirka dalabka iyo sahayda lacagta, wareega lacagta suuqa iyo isku bedel ka sarifka lacagaha qalaad. Taas waxa soo raacda wasaarada ganacsiga oo iyadauna ku fashilantey kala xadeynta ganacsiga iyo in ay xakameyso wax yaabaha aan daruuriuaadka ahayn iyo kuwa kootarabaanka ah ee dibada laga keeno qiimihii la doonana lagu iibiyo, taasi waxa ay kor u sii qaadeysaa lacagtii adkayd ee dibada inooga baxaysay.

Nidaam Ganacsiyeedkeenna ayaa sidoo kale ka mid ah isirrada hore u sii jirey. Wax kasta waxaa qiime u yeela baahida iyo dalabka loo qabo. Tusaale ahaan, Farduhu qiime aad u sarreeya ayay lahaayeen markii dalabka iyo baahida loo qabey aad ka u sareysay. Geela waxa qiimaha u yeeli jirey wax ay ahayd baahida iyo rabitaanka qof kasta oo soomaali ahiba jeclaa in uu geel yeesho. Maanta Mabda’a iyo ujeedada ganacsiga ka socda dalkeennu waa mid ku dhisan doolar urursi. Taasina wax ay horseeday in baahidii loo qabey shillinka Soomaaliland meesha ka baxdo. Sidaa daraadeed Inta ninka ganacsadaha ahi inga filaayo joonyadii Bariis ah, gadbadii Sonkora ah, kiiloogii saliid ah iyo agabka bagaashka, kirada korontada, guryaha iyo fiiga Waxbarashada mid walba uu rabo in dollar loogu beddelo, ayadoo aan wax xakameyn ahi jirin oo xadeynaya wax dalka la soo gelinayo, way adag tahay in aynu helno doollar inaggu filan oo daboola waxa xadeyn la’aanta inagu soo galaya oo dhan.

Isirrada dabka ku sii shiday sicir bararka

Isirrka koobaad waa korodhka ku yimi qiimaha maceeshadda. Dhawaanahan wax aynnu la soconay in uu aad kor ugu kacey qiimaha maceeshaddu taas oo ay sabab u tahay hoos u dhaca sahayda suuqa. Hoos u dhaca sahayda suuqa wax loo’aaneynayaa Abaarta daba dheeraatey ee ku baahdey dalka bari ilaa galbeed taas oo bilaabantey horaanta sannadkii 2015 socoteyna ilaa dabayaaqadii 2016, Abaartaasi wax ay si balaadhan u saameysay waxsoosaarkii Xoolaha iyo Beeraha.

Isirrka labaad waa Qiime dhaca shillinka ku yimi marka loo eego lacagaha qalaad gaar ahaan Doolarka oo ah min-qiyaaska ugu weyn ee Sarrifka lacagta taas oo gebi ahaanba xaaladda ka dhigtey mid cakiran. Shillinku wax uu qiima dhacey 33%, xaddiga sarrifka halkii doolar marka loo eego shillinka SL wax uu kor u kacey 7500SLsh ilaa 10,000SLsh. Sarrif bararkaasi in uu sii socdo oo shillinku qiimo tirmo waxaa xudin u ah Isku-dheellitir la’aanta Xaddiga Dhoofinta iyo Soo-dejinta (Balance of Payment) taas oo ah in lacagta adag ee aynnu ka helno badeecadaha dibbadda loo dhoofiyo (export) ay aad uga yar tahay lacagta adag ee aynnu ku kharash-garaynno agabka aynnu dibadda ka soo dejisanno (import).  Iyada oo markii hore ba dheellitir-la’aan taas baaxadda weyni jirtey ayaa sannadkii 2016 Sucuudigu xayiraad saartey xoolihii aynnu u dhoofinjirney taasina wax ay horseeday in uu is dhimo dhakhligii dhoofinta xoolaha laga heli jirey (Export Revenue) iyo tiradii dhoofka xoolaha (Livestock Export). Sidoo kale Marar badan waxa dhacday in baanka dhexe soo daabcey lacag SLSh badan taasina ay keentey in shillinku tayo beelo, qiimaha quutal daruuriga iyo maceeshaduna saro u kaco. Maxaa yeelay sahayda lacagtu wax ay door muhiima ka ciyaartaa wax yaabaha go’aamiya qiimaha. Haddii ay jirto lacag badan oo baacsaneysa badeeco ama alaab yar, qiimha badeecadaasi kor ayuu u kacayaa.

Aron and Muelbauer (2015) Baadhis ay ku sameeyeen xidhiidhka ka dhexeeya iswaydaarka lacagta moobilka iyo sicir bararka dalka Uganada. Wax ay ku daahfureen in lacagta moobilku aaney sababin sicir bararka marka lacagta maxalliga ah loo isticmaalayo. Lakiinse ay caawiso in uu hoos u dhaco maxaayeelay isweydaarka lacagta mobile ku wax ay yareysaa kharashaadka Macaamilka. . Inkasta oo ay ZAAD iyo E-DAHAB koboca dhaqaalaha ay door weyn ku leeyihiin, haddana dalkeenna marka aad eegto iswaydaarka lacagta moobilka ZAAD iyo E-DAHAB arrintu taa Uganda way ka duwantahay, maadama ZAAD iyo E-DAHAB waxa ugu badan ee lagu isticmaalaa uu yahay Doollar siyaasad dawli ah oo ay ku shaqeeyaana aaney jirin. xiidh toos ah ayaa ka dhexeeya Isweydaarka Lacagta Moobilka iyo Sarrif Bararka Somaliland (Exchange rate fluctuations) , haddii Dalabka ama isticmaalka isweydaarka lacagta moobilku kordho shilinka somaliland wuu qiima dhacaa marka loo eego doollarka sidaasina wax ay horseedaysaa in sicir barar dhaco. Taa casikeeda haddii Isticmaalka isweydaarka lacagta teleefoonada gacantu hoos u dhaco shilinka Somaliland qiime ayuu yeeshaa.

Dadka ku dooda in adeegyada ZAAD IYO E-DAHAB aaney wax saameyn ah ku lahayn sicirka iyo sarrif bararka iyaga oo qiil u ga dhigaya haddii ay saameyn ku yeelanayaan markii la aasaasey ayay ku yeelan lahaayeen, lakiin doodaasi Waa mid jaban oo wax aaney ogayn in tirada isticmaala adeegyadaasi ay sannadadii hore ay koobnaayeen lakiin maanta in tirada isticmaasha adeega lacagta ee teleefoonada gacantu ay aad u korodheen.

Isirka Seddexaad waa Xilli Doorasheedka waddamada dimuqraadiyadu ka hanaqaadey wax ay leeyihiin sannad doorasheed (Election year) lakiin anigu wax aynnu kaga duwanahay muddo kordhin soo noqnoqotey sidaas daraadeed laba sanno iyo ka badan ayaynnu jawi doorasho ku jirnaa . Markasta oo doorashooyin jiraana dhaqdhaqaaqa dhaqaale wax uu noqdaa mid aan fadhiyin oo jahwareersan. Kharashaadka dawladduna kor ayuu u kacaa taasina wax ay dabka ku sii hurisaa Sicir Bararka, waayo kharashka dawladda ee kordhey waa mid lagu kharash gareynayo Ololaha Doorashada  oo aan faa’iido soo kordhineyn. Xilliga doorashadu sidoo kale waxa uu horseedaa in uu hoos u dhac ku yimaado maalgashiga iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga. Dhammaan mashaariicda cusub ee la bilaabi lahaa way gaagaxaan kal doorasheed kasta, waayo maalgashadayaasha iyo ganacsataduba dib ayay u dhigaan go’aanadooda muhiimka ah ilaa Dawladd cusubi dhalaneyso, sidoo kale wax ay sugaaan si ay u qiyaasaan jawiga siyaasadda mustaqbal sida ay noqon doonto ka hor inta aaney daahfurin mashaariicahooda waaweyn. Tusaale ahaan labadii sanno ee u danbeeyey kala iibsiga dhulku hoos ayuu u dhacey magaalooyinka waa weyn ee Somaliland, sidoo kale waxaa baaqdey ama wakhtigii ay fuli lahaayeen dib loogu riixey Mashaariic horumarineed oo miisaniyadda qaranka ku jirey oo ay ahayd dawladdu in ay fuliso  2016/2017, iyo kuwii Haayadaha iyo Sanduuqa Horumarinta Somalialnd (SDF) laga maalgalinayey.

SAAMEYNTA SICIR BARARAKA

Kor u kaca Sicir Bararka wax uu saameyn balaadhan ku yeeshay heerka nolosha danyarta, shaqqalaha dawladda, Macalimiinta iyo Askarta mushaharka ku qaata shilinka, Waxa uuna hoos u dhigay awooddooda wax iibsiga. Ganacsatada heerka hoose/dhexe ayaa uu iyagan si taban u saameeyey maadama ay badi wax ku iibiyaan shilinka. Sidoo kale, Sii jiritaanka korodhka sicirka iyo sarrif bararku wuxuu dhiig-bax iyo is-nuug dhaqaale ku keenay dakhliga iyo kharashaadka Dawladda iyo koboca dhaqaalaha qarank guud ahaan.

SEETAYNTA SICIR BARARKA

Si loo dabro ama loo xakameeyo kor u kaca heerka Sicir Bararka :-

waa in Faragelin lagu sameeyo sarriflayaasha sarifka lacagaha qalaad iyo shirkadaha Waaweyn ee saffrika ka shaqeeya taas oo ah talaabada ugu haboon ee maareynta lacagta. Sidaa daraadeed Bangiga Dhexe ee soomaaliland waa in uu bilaabo faragelinta sarifka lacagaha qalaad si uu u dabro ama u xakameeyo qiime dhaca shillinka ee joogtada ah. Faragelintaasi wax ay meesha ka saari doontaa dheelista lagu dheelayo sarrifka Cumladda qaranka iyo in sarrifka lacagtu noqdo mid laga ganacsado oo tartan hawaawi ah loo galo (Currency Speculation).

Waa in Dawladdu la timaado istaraatiijiyad iyo siyaasado ku qotoma sidii wax kasta loogu iibin lahaa shilinka. Adeegyada iswaydaarka Lacagta moobilka ee ZAAD iyo E-DAHAB iyagana system koodu ugu shaqeyn lahaa shilinka maxaliga oo kaliya iyo shuruucda baanka dhexe.

Waa in si ku meelgaadh ah loo joojiyo dhammaan wax yaabaha aan daruuriyaadka ahayn ee aynnu soo dhoofsano, si loo hakiyo lacagta adag ee innagaga baxda. Waxaa kale oo jira badeecooyin daruuriya oo u baahan in la xakameeyo, lagana ilaaliyo in xadi dhaaf lagu keeno sida alaabta dhismaha, gaadiidka, iyo cuntada qasaacadeysan. Taa waxa soo raaca in xal loo helo arrinta gansiga qaadka ee ah in lacag doollar ah Ethiopia lagaga keeno iyo in laga shaqeeyo sidii xayiraadda xoolaha looga qaadi lahaa suuqyo cusubna loogu raadin lahaa.

Dawladdu waa in ay dhiirigeliso waxsoosaarka wadaniga ah, taageerana ay siiso waaxda beeraha iyo qof kasta oo daneynaya in uu bilaabo mashaariic macquula oo beeraha ah si loo horumariyo heerka wax-soosaarka cuntooyinka wadaniga ah, hoosna loogu dhigo cuntooyinka dibada laga keeno.

Marka dakhliga iyo kharashadaadka sannadku is dabooli kari waayaan ama odoroska miisaaniyaddu sidii ku talagalku ahaa hoos uga dhacdo, waan in aaney xukuumadda cusubi lacag cusub iska soo daabicin, sidii xukuumaddii hore taa badalkeeda waa in ay deyn ka qaadato ganacsatada gudaha.

Ahmed Cabdilaahi Cumar (Diini)

BBA Economics

Hargiesa Somaliland

Diini129@gmail.com

0633030031

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews