WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland Oo Amaro Culus Dul Dhigtay Shirkada Dp World

Hargeysa (W,N):- Xukuumada Somaliland ayaa soo saartay go’aamo la dul dhigay shirkada kala duwan oo loo aanaynayo inay lug ku leeyihiin dhibaatada jirta.

Shirkadaha la dul dhigay go’aamada culus ayaa waxa ka mid ah shirkada gacanta ku haysa maamulka dekeda Berbera ee DP World, taas oo xukuumadu ku amartay inaanay lacagta ka soo baxda dekeda ka saarin dalka.

 

Wararka ayaa sheegaya in xukuumadu ay shirkada DP World ku amartay inay sanduuq xisaabeed ka furato baanka dhexe ee somaliland taas oo looga baahan yahay inay dhigato lacagta ka soo xaroota dekeda Berbera.

 

Sidoo kale shirkada DP World ayaa lagu amray inay ka soo wareegto sanduuq xisaabeedyada uga furan baananka gaarka loo leeyahay isla markaana lacagta uga soo xaroota dekeda ay si rasmi ah ugu shubto baanka dhexe ee somaliland.

 

Wakiilada shirkada Dp World u qaabilsan dekeda magaalada Berbera ayaa ilaa hada ka hadal sida ay u arkaan amarka ay xukuumadu dul dhigtay.

Exit mobile version