Somaliland Waxa 27 Sanno Cadow U Liicin Waayay Midnimada Beesha Dhexe”.W/Q: Mohamed Hagi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Waxa 27 Sanno Cadow U Liicin Waayay Midnimada Beesha Dhexe”.W/Q: Mohamed Hagi
January 28, 2018 - Written by Reporter:

Somaliland waxa ay halkaa ku soo gaadhay oo cadow u liicin kari waayey oo 27 sano oo bilaa aqoonsi ah ay ku soo samatobaxday midnimada beesha dhexe. Cajab iyo Carab cid aan ku talo-galin in ay jilbaha dhulka u dhigto ma ay san jirin. Xoogga iyo xeeladda ay ku badbaadday cidahaa ayaa lahaa 100%. Arrinta tan keli kuma ahi ee waxa ila qaba oo afkooda iyo qoraalkooda la ga hayaa Cigaal (Washington, 1999), Rayaale, (Oslo, 2007) iyo Gees (Hargeysa, 2017).

hagi

Aniguna waxa aan si gaar ah ugu darsanayaa waxa keliya ee liicin kara, taag-darraysiin kara ee dhulka dhigi kara Somaliland waa tafaraaruqa beesha dhexe. Cidda middida daabkeeda haysaa waa in ay taa garwaaqsataa oo ay fahamtaa. Cidda kale ee mucaaridka ahi iyana waa in ay garataa tabta iyo xeelaadka kursiga la gu gaadho ee baryootanka iyo dawarsiga ah. Iyada oo ilaalinaysa midnimada guud ee qaranka nafaha badan, hantida bilaa qiyaasta ah iyo tacabka joogtada ahi ku maqan yahay ee cadowga tirada beelay leh.

Waa u nacasnimo Isaaq maanta in uu Somaliland ku dul gorgortamo. Waayo waa dal dhiiggii, dheecaankii, maalkii, maskaxdii, tacabkii iyo taagtii Isaaq ay hore u gashay. Dedaalka iyo kartidaa si waa waxa keenay horumarka, nabadda, dimuqraadiyadda iyo guusha adduunka ka yaabisay ee mucjisada Afrika ka dhigtay dal iyo dad aan dunida wax-yeello ma ogiye aan dheef innaba ku qabin.

Dadka aan Isaaqa ahayn ee reer Somaliland dabcan intooda Somaliland oggoli qayb weyn ayey horumarka dalka ku leedahay gaar ahaan Sammaroon, Ciise, Harti badhkii, Fiqishinni, Gabooye, iyo in kale oo badan. Laakiin iyana waxa hubanti ah in “theoretically” dal burburkiisa iyo badbaadadiisu ay ku xidhan tahay raalli ahaanshiyaha iyo midnimada inta badan.

 

Tusaale ahaan, haddii aaney midnimada Isaaq jiri lahayn sida ay Koonfuri noqotay ayey Somaliland noqon lahayd. Koonfur waxa burburiyey tafaraaruqii Hawiye ee 1991 – 2012. Markii ay Habar-Gidir nasan weyday ee Abgaal na waranka soo qaatay Majeerteenna dhinaca saaray Abgaal ee Maruursade, Xawaadle iyo Gaal-jecel iyana dhankooda is-diirteen ayey Xamar iyo Koonfur bahalladu laasteen oo ay cadow u jabtay.

 

Qalinkii: Mohamed Hagi Mohamoud

COMMENTS
LINKS