Mashaariicda DFID, Adam Smith International & Axiom International Waa Ku Halis Somaliland! Qormada 2Aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mashaariicda DFID, Adam Smith International & Axiom International Waa Ku Halis Somaliland! Qormada 2Aad
January 30, 2018 - Written by Editor:

Waxyaabaha aan usoo taagnaa anigoo ah turjumaan iyo Habka Caawimadu halis ugu tahay Haykal keena Qarannimo iyo ka Ciidan Boolis ahaan bal aan wax yar idiinka taabto. Waxaa dhacday in Esler Berry oo ah tababaraha ciidanka ka hortaga rabshadaha in doorka uu imaado siiyo Ciidanka u Tabaraayo yoomkii Afar Dollar Mudada uu joogo iyadoo lacagtaas Markii hore naqad ahaan lagu siin jiray lakiin Markii danbe loogu bedelay raashin Xerada loogu sameeyo.

adan deeq

halis

Wuxuu u hir galiyay Inuu heshiis kula gaadho saraakiil in kharaashka ay soo dalacdaan iyagoo xisaabinaya in kharashkii raashinka ay tahay lakiin naqad lacagta ku qaadanayaan wuxuuna mar walba ku odhan jiray arintani ma oga Safaaradu amaba xafiiska FCO gu ee waa mid inaga inoo dhex ah. Halkaa waxaad ka daalacan karaysaan oo kaliyaata in Qaranka ay halis ku tahay sababtoo ah Ciidan keeni Booliska oo duruufo dhaqaale haystaan oo ka qaran ahaan dhaqaalaheenu sidaas aanu u buurnayn ee nimankii lahaa cidanka ayaan idiin tababaraynaa Hungurigaa aan buurnayn ee waliba jaran jaro Maraaya, oo sidaa waliba wax Kassi go’ayaan oo afar dollar soo gaadhayso una dheertahay kharashaadyo kale oo qolooyinka sarsare qudhoodu wax siyaabo kale loogu habeeyo. Arimahan aan ka hadlayaa maaha wax cusub ee waa waxyaabo in badan soo jiitamaayay mudo shan sanoo hore ah iyo hadoo la galay qaybtii Labaad.

Waxaa intaa iyana dheer in Ciidanka oo dhan aanay ahayn lakiin meelo uun iyo tiro kooban oo intaasi laga fadilo oo dirays helaan halka inta kale aay hal mushahar u xaadiran iyo raashin kooda Halka kuwan kale guno gaar ah ka helaan ingiriis.

markaad intaa ka timado odhaah Uu Yidhi Thomas Sankara  ayaa tidhaahda

” He who feeds you controls you” odhaahdan waxaan usoo qaatay waxaan tiro Faro badan u kala turjumay qolada cadaanka iyo ciidanka iyagoo ka cabanaaya taliyeyaashooda xataa heer aay u gudbiyaan awaamiir iyo falal aay ku eedaynayaan. Waan yaabay markay arkaan inaan yara hakaday oo aan yara diidanahay ayaa yidhahdaan, waxba ha yabaalin ee u turjun. Waxaa iyana jirta oo kale in marka kabo aay u baahdaan kuwa cadaanka ah waydistaan aay qoloda cadaanka ahi iyagu ugu sheegaan kuwa Istoodhka haya iyadoo aay agabkan istoodhka yaali yahay mid u yaala ciidanka oo hore loogu deeqay hadana wali qolooyinkan u dhex marayaan sababtuna tahay In ninka CAD ee aan ciidanka Ahayn kaliyaata Khibradiisa u gudbinaaya ciidan keena uu saamaynta intaa leeg ku leeyahay oo aay garan Waayeen saraakiisheeni qofkii wax u baahda siiya ilayn idinkaa agabka la idiinku deeqaye. Bartaa akhriste wax Ma kaaga baxeen iyo heerka dawladahan waxbaa idinka caawinaa ina lihi sida Halista aay ugu yihiin Somaliland.

halis 2

Runtii fal dembiyeedyadaa ka bilow Adam Smith International iyo Qoladan dambe ee Axiom International waa shirkado iyagu qaatay qandaraasyada fulinta iyo ineey Keenan Askar Ingiriis ah oo shaqada ka fadhiistay oo aay soo kiraystaan kuwaaso tababarayaal ah haday noqoto Ka Hor Taga Argagixisada, Dembi Baadhista iyo wax yaabo kaleba. Lakiin intaas ayaa waxay ku Qaateen lacago gaadhaya Malaayiin Gini fulin toodu iyadoo lacagtaa lagu lunsado siyaabo badan oo aay ka mid tahay Logistic ga oo Safeway Travel wax badan u qaabilsan tahay sida tigidhadooda mar walboow imanayaan Gaadiidka qaadaya iyo Turjumaanada oo aay iyagu u Diraan iyo kiraynta halkay degayaan oo loo sii balaminaayo Marka aay soo gudbiyaan wakhtiga amaba taariikhda aay imanayaan. Waxaa kale ee Safeway Travel Qaabilsantahay marka agab xafiiseed u dalbayaan xafiisyada ciidanka iyo wixii loo baahdo ee ugu jira Budget ka in iyagu qaabilsan yihiin. Waxyaabaha aan tiriyoo dhami ma aha kuwo sife saxa mara lakiin waa loo eekaysiiyaa oo waa laga war qabaa in Safeway Travel Xitaa adeegyo intaa ka badan u qabato lakiin qoraalada Danbe ayaan ku xusi doonaa.

Waxaan kaloo ku xusi Doona Habka musuq-maasuq iyo heerka uu leeg yahay ee aay inagu dhex beereen iyo sida ciidanka uu ukala qaybiyay iyo colaadaha ka dhex jira oo Xataa wada shaqayntii Ciidanka Somaliland Saamaynta aay ku yeelatay DFID mashaariicda “Police Reform” .

 

QALINKII Aden Abdi Daher

 

LA SOCO QAYBTA 3AAD

 

COMMENTS
LINKS