Gelbiskii Geerida! Qaybta 6aad Qalinkii Cabdiqaadir Dayib Askar, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gelbiskii Geerida! Qaybta 6aad Qalinkii Cabdiqaadir Dayib Askar,
February 5, 2018 - Written by Editor:

University of York, UK

www.abdikadiraskar.com

Muddo kadib waxa aan ku biiray ciidanka bilayska Kanada, waxa aanan ka noqday xubin ka hawlgasha qaybta denbi-baadhista Kooxda 55aad ee Badhtamaha Magaaladda Toronto.

Waxa aan noqday askari si foojigan uga qayb-qaata baadhista denbiyada la xidhiidha la-dagaalanka maandooriyaasha ee bulshada madow oo aan markii danbe ku helay dallacaado badan.

Lix bilood ayaa galbaday, annaga oo aan dareemin sida xawliga leh ee waqtigu u ordayo. Abshir waxa la soo daayey isaga gadh weyn la baxay, aadna u tabar-darnaaday. Wejigiisa waxa laga dheehan karayey uur-xumo iyo murugo badan. Wuxu ahaa nin dareenkiisu maqan yahay oo haasawaha aad u dhibsanayey. Halkii baana ugu danbaysay waxbarasho, jaamacaddiina kuma laaban mar danbe.

Abshir wuxu si tartiib-tartiib ah iskugu badalay gooni-socod. Waxa ka soo hadhay muran iyo hadalo cadho wata. Waxa ku adkaatay in uu la jaanqaado noloshii qoyskayaga. Wax kastaba waxa ay u noqdeen wax cusub, waxaana ka muuqatay in uu karahsanaa habka aan u noolayn. Markii uu maqlay in aan la hawl-galo ciidanka Kanada aad ayuu u sii cadhooday. Marar badan ayuu i maagay, anigu se waxa aan u arki jiray walaalkayo in uu dabeecad-xumo kala soo baxay saldhiggii uu ku xidhnaa.

“Show dulli maad dooran maanta? Oo maad noqon addoon ay gaalladu ku addeegato? Bal maxaad la hortagi Kii ku abuuray?” ayuu igu diriray.

Hadaladda Abshir waxa ay ahaayeen kuwo dhanbiilo ka boodayaan. Waxa uu isku laaqayey wacyi-diimeed iyo aragtiyo-nololeed oo si qalafsan loo hal-abuuray.Anigu dhagba jalaq uma siin. Waayo waxa aan qiyaasi karayey in noloshii walaalkayo soo maray wax weyn ka badashay hab-dhaqankiisii.

Cabdiqadir Askar

Abshir, wuxu aad ugu jeellanaa in uu ila dagaalamo. Si lama filaan ahna ayuu mar qudha kabtiisii ula baxay dabadeedna dhankayga u soo tuuray.

Maalintaas wixii na dhex-maray ma uusan ahayn wax na farax galiey. Wuxu ahaa dareen aanan mahadin. Abshirna gurigii ayuu ka guuray isaga ii cadhaysan. Wuxu nagu sii aflagaadeeyey in aanu noqonay dad dhaqan xun oo aan maskax fiican lahayn.

Abshir, sidii buu gurigayga uga guuray. Waxa aan warbixintiisii u gudbiyey ciidanka Kanada, wax jawaab ahna kama aan helin. Muddo dheer kadib, waxa aan raad-raaciisa ka soo helay ardaydii Nayjeeriyiinta ahayd ee ay isku kooxda ahaayeen. Kuwaas oo ii sheegay in Abshir u safray dalka Mareykanka.

Hooyaday aad ayay iigu canaanatay dudmada Abshir. Waan u garaabayey hooyaday. Laakiin walaalkayo qoyskayga keliya nama necbaan, wuxu aad u dhibsaday nolosha dalka Kanada taallay oo uu u arkayey mid dhaqankeedu xun yahay oo aanay jirin cadaallad iyo sinnaan.

Tegitaankii Abshir waxa ay igu kaliftay in aan iska casilo jagadii aan ka hayey ciidanka denbi-baadhista ee Toronto. Waxa aan u anba-baxay dalka Mareykanka, aniga oo sita sawirka walaalkay. Waxa aan u gudbiyey xafiiska federaalka ee denbi-baadhista Mareykanka. Xog-waraysi dheer bay ila yeesheen aniga oo dhawr jeer ku noq-noqonayey xafiiskooda magaalada Boston.

 

La soco Qormada danbe

COMMENTS
LINKS