Xogta Dhabta Ah Ee Hawsha Tirikoobka Tayeynta Shaqaalaha S\land Iyo Xidhiidhka Ka Dhexeeya Sanduuqa Horumarinta Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogta Dhabta Ah Ee Hawsha Tirikoobka Tayeynta Shaqaalaha S\land Iyo Xidhiidhka Ka Dhexeeya Sanduuqa Horumarinta Somaliya.
February 6, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Tayeynta Iyo Daryeelka Shaqaalaha Dawlada Somaliland,Waa dan Qaranku baahi badan u qabo lakiin hawsha tirikoobka madax taabashada ee ay bilawday hay’ada shaqaaluhu ma tahay mid ka turjumaysa dantii qaranku lahaa? Ma tahay hawl qaranka loo qabanayo oo la jaanqaadaysa xeerarka shaqaalaha qaranka iyo dastuurka? Ma tahay hawl ay curinteeda iyo agaasinkeedaba ay Leedahay Hay’ada Shaqaalaha Dawladu?Mise waa Dano shisheeye Iyo mashariic loo fulinayo bangiyada bixiya lacagaha horumarinta Somalia? Qudhaanjooy ku Quus Qaado.

hayada sh

Hawshan ay bilawday hay’ada Shaqaaluhu ayaa ah mid ididiilo iyo farxad u noqatay inta jecel samaha qaranka iyo dawladnimada.Godobaha qaranka Somaliland ay madaxdeeda ka gashaa ee aan lagala xisaabtamin ay tahay mid masuul kastaa caadaystay laakin dhacdadan ay bilawday hay’ada shaqaaluhu waa ugub. Waa badawsi shacab iyo Shaqaale oo Afgobaadsi  lagu Xardhay  si fiicana ay usoo gudbinayaan laxanka iyo jiibta masuuliyinta hay’ada ugu Sareysaa.

Waxaa xaqiiq ah in hawshani tahay mashruuc ay fulinayso komishanka shaqaaluhu oo laga maalgalinayo sanduuqa horumarinta dawlada federalka Somalia oo la yidhaa “ Multi Partner Fund” https://www.somaliampf.org/mpf-basics. Ka tixraac ula jeedooyinka mashruuca oo dhamaystiran barta internetka ee  sanduuqa dhaqaalaha dawlada federalka   

Magaca mashruuca waxa uu bangiga aduunku wuxu ula  baxay “ Somaliland Civil Service Strengthening Project”. https://www.somaliampf.org/node/54 oo daalaco in shaqada tirikoobka shaqaaluhu tahay hawl qabadka koowaad ee loo diray shirkad caalamiya oo qabata HR AUDIT ka dib markii la xayeysiiyo.

sharmake 1

Sanduuqan waxa lagu ururiyey dhaqaalihii lagu sexeexay ‘New deal” ee horumarinta somalida loogu Talo galay.  Hadaba mashruucan ay in dhawaydba shaashadaha warbaahinta xukuumada Madaxwayne Biixi Dadwaynaha uga bisharaynaysay uu yahay hal mashruuc oo 10 milyan oo dhamaanaya 2021 soona bilaabmay 2016. Kaalinta hay’ada shaqaaluhuna ay tahay urur-NGO ah fulinaya qodobada heshiiskii ka dhexeeyey Hay’ada shaqaalaha iyo bangiga aduunka  “Partnership agreement or Memorandum Of Understanding”. Hay’adii shaqaalaha qaranku kuma shaqaynayso masuuliyadeedii qaranka ay u haysay ee dastuuriga ahayd lakin waliba wax ka badal iyo kaabis aanu xeer ilaaliyaha iyo golaha sharci dajintu ogayn aanu fasaxayna.

Dawlada S\land,waxay indho=sarcaad iyo badawsi badheedh ah kula kacday shacabkii doortay. In kasta oo xeernidamiyihii kala xadaynta shaqada wasaaradaha iyo hay’adaha qaranka lagu xusin shaqada iyo waxqabadka hay’ada shaqaalaha qaranka oo aanu dadwaynuhu garin Karin masuuliyada qaranka u hayso lakiin inta aynu markhaati u hayno ee baalmarsan dawladnimadeena iyo xeerarkoodu waa kuwan.

Hawshan waxa ugu sareeya shaqaale ajaanib ah oo Alex la yidhaa sida ku cad daahfurkii mashruuca. Halkan ka daawo warkaasi

Mashruuca waxa ka faa’idaysanaya wasaarado iyo haya’do qaranka oo gaar ah waxase yaab iyo dhabano hays ah Alalagta I maqlaayda ah ee Gudoomiyihii Shaqaaluhu qaranku ku tilmaamayo bishaaro iyo guul qaranku soo hooyey. Godobta qarankan shacabku samaystay laga galayo ayey ka mid tahay in Gudoomiyihii Shaqaaluhu uu ugu  goodiyo Muwaadiniin Qarankan Duruufo adag ugu soo adeegayey mutadawacnimo filanayeyna in la gaadhay xiligii la xaqsiin lahaa ee ay sida wasiirada dhisan lahaayen nolol dheeli tiran. Gudoomiyuhu ha xasuusnaado in  mashruuc uu ka faa’idayste xisaabsan yahay wax la siiyo ee aanu go’aaminteeda Lahayn  Gudoomiyuhu. wuxu isku cadeeyey in uu Tahli kari waayeen isaga iyo Madaxwaynihii la doortay  inuu wax laga qabto musuqmaasuqa shaqaalaha Hay’ad la’aanteed.

.  Halkan ka akhri :

“The institutions that will benefit from this project include the Somaliland Civil Service Commission and the Civil Service Institute, the Ministry of Labor and Social Affairs (MoLSA), the Ministry of Finance, the Ministry of Planning and National Development, and sector specific ministries which focus on economic development.( (http://www.worldbank.org/en/news/press-release/2016/11/24/world-bank-somaliland-civil-service-commission-launch-somaliland-civil-service-strengthening-project

Turjumis” Hay’adaha dawlada ee ka fa’ido doona mashruucan oo ay ka mid yihin Hay’ada Shaqaalaha, Machadka horumarinta tobobarka shaqaalaha, Wasarada Maliyada, W/Qorshaynta iyo kuwa kale ee sida tooska ah shaqadoodu u saamayso horumarinta dhaqaalaha

In shaqada shaqaale baadhista (HR AUDIT) ay qabanayso shirkad gaar ah soona go’aaminayso shaqaalihii la eryi lahaa, la dalacsiin lahaaa, hawlgab noqon lahaa, sidan ku cad baahintii iyo codsi ka qabashadii shaqaalaha. Halkan Riix oo ka Bago (http://projects.worldbank.org/procurement/noticeoverview?id=OP00043035&lang=en&print=Y)

Qalabka casriga ah ee indhaha lagu sawirayaa uu yahay mid hayadeed oo aanu toos u maamulin wasaaraduhu sida W-tiknoolojiyada. Diwaanka shaqaalaha laga diyaariyey uu yahay Sir Qaranku lahaa oo Shisheeye loo Dhiibay. Diwaanku Wuxu ku Biiraya ka guud ee Dawlada federalka Somalia sida ku cad mashuraca iyo hadafyada la hiigsanayo in la gaadho iyo habka baahinta qandaraasyada fulinta hawlaha loo baahan yahay aan la raacin xeerkii gudida qandarasyada qaranka ee la raacay nidaamka iyo xeerarka bangiga. Sida baahintan xayeysiiska la daabacay ka muuqata ee sheegaysa baahida qaranku u qabo shirkad caalamiya oo ka caawisa sidii machadka shaqaalaha qaranka loogu samayn lahaa kaabis iyo wax ka badal shaqadii dastuuriga ahayd ee loo igmaday. Daman way iska huridaa ee maxaa ii damaanada http://projects.worldbank.org/procurement/noticeoverview?id=OP00034408&lang=en&print=Y

La soco Qaybta labaad kana Soo fal celi Dooda Aad ka Qabto Warbixinta.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS