Ujeedada Socdaal Nabadeed Ay Ururka Dhalinyarada “Ceel Bardaale” Ku Tagayaan Deegaanadii Dirirtu ka Dhacday Ee Gobolka Sanaag. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ujeedada Socdaal Nabadeed Ay Ururka Dhalinyarada “Ceel Bardaale” Ku Tagayaan Deegaanadii Dirirtu ka Dhacday Ee Gobolka Sanaag.
February 8, 2018 - Written by Editor:

GABILEY(W,N) Dhalinyar Reer Gabiley ah oo u ololeeya nabada ayaa dhawaan shaacisay in ay socdaal nabadeed ku tagi doonaan degaanada bariga si ay ula soo qaybsadaan dareen nabad jacayl ayaa shabakada la soo wadagay ujeedkoodu wuxu Daaran yahay Socdaalkoodani, Dhalintan oo la magac  baxay (Ceelbardaale Youth Peace Movement).

Ceel Bardaale Logo

Socdaalka Nabada oo ay ugu magac dareen Ee Xaaji Cabdi Waraabe(Haji Abdiwarabe Peace Journey) Maamus ahaan waxay ku sheegeen in socdaalku yahay barnaamij  Barbaarinaya oo Kobcinaya garaadka  nabad dhisayaasha mustaqbalka Qaranka Somaliland. akhri barnaamujkooda oo dhamaystiran.

Hordhac

Waqtigu wuu sunsumayaa

Midna waa la sugayaa

Soo jire ma noole’e

Qarni waliba wuu socon

Safna wuu ka daba dhalan

Hadba kooda sarakaca

Waxa sahayda uga taga

Kii horee sagootiyey ………………………. Xasan  Geney.

Dhegtu sheeko doontaye

Dhar maxaan lahaan jiray?

Maxaan xoolo dhaqan jiray?

Maalintay dhannaantahay

Dhulka yaa u halgami jiray?

Geesiga u dhiidhiyey

Yaa dhiiga kicin jiray?

Dhinte yaa xogtiisa og?

Taariikhda yaa dhiga?

Dhidibkeedu waa kuma?…..

Macnaha Socodaalka Nabada

Socdaalka nabada ee Xaaji Cabdi Waraabe Peace Caravan waa madal bulsheed,oo dhalinyarada nabad dhisayaasha Ceel-bardaale hogaan ka tahay  oo ka soo kicitimay Gobolka Gabiley una socda magaaloyinkii dirirtu ka dhacday ee Dararwayne.  Dhalinyarta ceelbardaale waxa ay kulmin doonta foolaadka gobalka sanaag oo leh dhalinyaro, aqoonyahan, waxgarad, siyaasiin, culimo, haween, qalinmaal, sugaanlay, ganacsato, dhaqan yaqaan iyo xukuumad. dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dawlada. Kulan bulsheedka waxa looga gol-leeyahay in fursad la siiyo dhalinyaradu ku maamusto ama xurmayso hanaankii loo soo dhisay nabada ay ku naaloonayaan maanta iyo kaalinta ay ku lahaayeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadu. Kulankan oo haldoorka iyo masuuliyiinta Soomaliland dhalinyarta uga markhaati kici doonaan kaalinta dhalinyaradu ku leedahay dhisida dalka iyo umada. Waxa kale oo la iftiimin doonaa doorka horumarinta dhalinyarada laamaha kala duwan ee bulshadu.

Hawl-qabad (Activity):-

Dhalinyarada nabad dhisayaasha  Ceel bardaale (Ceelbardaale Youth Peace Movement) ayaa agaasimaya kulan nabadeedyo ka dhici doona magaaloyinka dirirtu ka dhacday ee gobalka sanaag sida goobaha waxbaashada.  Kulanada waxa   loo  qaban doonaa  dhalinyarta degaanka iyo shakhsiyaadkoodii ka soo qayb qaatay nabadayntii Soomaliland ee sumada u ah nabad jacaylka, kuwii u soo dagaalamay si nabadan loo helo iyo kuwa maanta ka shaqeeya nabada iyo ka garnaqa, xal u helida khilaafyada bulshada soo kala gala. Qaybtan oo kaalin miisaan wayn ku leh dadka iyo dawladnimada ayaa mudan in la xasu lana sheego waxqabadkooda.

“Somaliland Dhalin iyo Waayeel Dhamaantood

Siday u dhisteen Dhulkoodii

Nabada u dhawreen dhamaantood

ALLAW Dhawr”

Ka Qayb Qaado socdaalka Nabada Oo Tageer Dhalintaas Is Abaabushay. Ku biirso Talo iyoTtaakulayn, Soo Dhawayn…

Hadaad Diyaar u tahay in la safarto Ama Wax ku Biiriso Socdaalku Wuxu Bilaabmayaa….

15th februrary- 20th February 2018.

CEELBARDAALE————CEEL-AFWAYN-CEERIGAABO

Kala xidhiidh : 0633133131 ama galbeedi1988@gmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS