Daraasad Lagu Shaaciyay Sagaal Is beddello Hab-nololeedka ah Oo Yareyn kara Khatarta Asaasaqa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daraasad Lagu Shaaciyay Sagaal Is beddello Hab-nololeedka ah Oo Yareyn kara Khatarta Asaasaqa!
February 8, 2018 - Written by Editor:

Mid ka mid ah saddex kiis Oo Asaasaqa ah Ayaa laga Hortagi karaa Haddii ay Dad Badan ka Taxadaraan Caafimaadka Maskaxdooda Intay Nool Yihiin, Sida Lagu Sheegay Daraasad Caalami ah oo lagu lagu Daabacay Wargeyska Arrimaha Caafimaadka Ee Lancet.

Waxay daraasaddu taxday sagaal qodob oo sababi kara asaasaqa ayna ku jiraan waxbarasho la`aanta, maqalka oo la beelo, sigaar cabidda iyo waxqabad la`aan jirka ah.

Cilmi-baarista ayaa lagu soo bandhigay shirkii caalamiga ahaa ee ururka asaasaqa ee ka dhacay magaalada London.

Marka la gaaro sanadka 2050, 131 milyan oo qof ayaa laga yaabaa inay la noolaadaan asaasaqa guud ahaan dunida.

Waxaa lagu qiyaasay 47 milyan dadka haatan xaaladdan ku nool.

Sagaal Qodob Oo ka Qayb Qaata Khatarta Asaasaqa

1; Maqalka oo la beelo da`da dhexe ee nolosha – waxay ka tahay 9% khatarta

2;  Iyadoo aan la dhammeysan waxbarashada dugsiga sare – 8%

3;   Sigaar cabidda- 5%

4;   Inaan goor hore la raadin iska daaweynta walbahaarka – 4% 5; Wax qabad la`aan jirka ah – 3%

6;  Go`doomin bulsho – 2%

7; Dhiig kar heerkiisu sarreeyo – 2%

8;  Cayilka – 1%

9;  Nooca 2-aad ee macaanka – 1%

Qodobbadan – oo lagu sheegay in wax laga beddeli karo – ayaa 35% qayb ka ah cudurka. Inta kale ee 65% khatarta asaasaqa ayaa loo maleynayaa inay yihiin kuwo aan wax laga beddeli karin.

Xigasho: Lancet Commission on dementia prevention, intervention and care

Warbixintan, oo isku soo ururisay baadhitaan ay sameeyeen 24 khubarro caalami ah, ayaa sheegeysa in waxyaabaha la xidhiidha hab-nololeedka ay door weyn ka cayaari karaan yareynta khatarta uu qofku ugu jiro Asaasaqa.

Waxay baadhitaan ku sameyneysaa dhisidda “keyd garasho”, oo micnaheedu yahay xoojinta xidhiidhada maskaxda si ay u sii shaqeyso muddo dheer iyadoo dhaawac uu jiro.

Eve Laird waxay ka qayb qaadaneysaa daraasad ku saabsan sida looga hortago asaasaqa

Eve Laird, oo ka soo jeedda Dumfries, waxay ka walwalsan tahay asaasaqa sababtoo ah hooyadeed ayaa xaaladdan la nool.

Waxay go`aansatay inay is beddello ku sameyso hab-nololeedkeeda.

“Waxaan ibtilo ku qabay cunidda cuntooyinka la warshadeeyay iyo kuwa fudud waxaana dhab ahaantii isku dayay inaan taas wax ka beddelo.

“Waxaan runtii cabaa biyo ka badan intii aan cabi jiray – mana cabo hadda kafey badan sidii hore.

“Waxaan xaqiiqdii ka qayb qaatay oroddada Edinburgh. Sidaas darteed waxaan ku biiray ururka oroddada ee Dumfries – Waxaan halkaas aadaa toddobaadkiiba mar.”

Waxay sheegeysaa inay wax badan isaga garatay jimicsiga, iyo wax ka beddelka cuntada ay qaadato.

“Waxaan dareemay caafimaad badan iyo sidoo kale garasho dheer maskax ahaan. Waa wax aan runtii doonayo inaan sii wado, balse way adag tahay in la joogteeyo.”

“Waxaan u maleynayaa in is beddellada yar ay sameyn karaan is beddel weyn.”

Inaan la dhammeysan waxbarashada sare ayaa aad uga qayb qaadata asaasaqa, qorayaasha warbixinta ayaana soo jeedinaya in dadka sii wata waxbarashada noloshooda dhan laga yaabo inay dhisaan keyd maskaxeed oo dheeraad ah.

Khatar kale oo sare ayaa lagu sheegay inay tahay maqalka oo la beelo inta lagu jiro da`da dhexe – baarayaasha ayaa sheegaya in tani ay u diidi karto dadka inay ku noolaadan deegaan garasho sare leh ayna u horseedi karto go`doomin bulsho iyo walbahaar, oo ka mid ah waxyaabaha sababi kara asaasaqa ee wax laga beddeli karo.

Farriin kale oo muhiim ah oo warbixinta lagu sheegay ayaa ah in waxa u wanaagsan wadnaha ay sidoo kale u wanagaasna yihiin maskaxda.

‘Is beddello wanaagsan’

Inaan sigaar la cabin, in jimicsi la sameeyo, in culeys caafimaad leh la joogteeyo, in la iska daweeyo dhiig karka sarreeya iyo macaanka ayaa dhammaan yareyn kara khatarta asaasaqa, iyo sidoo kale cudurrada wadnaha ku dhaca iyo kansarka.

COMMENTS
LINKS