Muqdisho: Urur Goboleedka IGAD Oo Ka Shirsan In Fiise La’aan La Is Kaga Gudbo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muqdisho: Urur Goboleedka IGAD Oo Ka Shirsan In Fiise La’aan La Is Kaga Gudbo
February 11, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N) – Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir looga hadlayo arrimaha socdaalka wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD, kaa oo ay ka qeygalayaan ergooyin ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, Wakiilo ka socda maamul goboleedyada, Safiirada dalalka IGAD ku mideysan ee ku sugan Muqdisho, Hey’adda IOM, UNHCR iyo AMISOM.

34593B13-5D67-48F6-ADE6-48AC7DC73D64_w1023_r1_s

Dhinacyada Miiska wada fadhiya ayaa ka arinsanaya sidii muwaadiniinta dalalka ku mideysan IGAD ay si furan oo Viso la’aan ama dal ku gal la’aan isugu gudbi lahaayeen.

Gaba-gabada kulanka ayaa lagu wadaa in ka qeybgalayaashu ku heshiiyaan in muwaadin walba oo u dhashay dalalka ku mideysan IGAD aanu qaxooti ugu noqon laheyn dal kasta oo uu tago ee ka mid ah IGAD, taasoo u ogolaaneysa in uu ka shaqeysan, waxna ka baran karo, isaga loo diiwaangalinayo muwaadinnimadiisa.

Is-afgarad arintaa laga gaadho ayaa ka dhigeya in markii ugu horeysay bulshada ku dhaqan dalalka ku jira Urur gobolleedka IGAD si xor ah isugu gudbin karaan.

 

COMMENTS
LINKS