Booliska Dalka Canada Oo Baadhaya Dilka Wiil Soomaali Ah Oo Magaalada Ottawa Lagu Dilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booliska Dalka Canada Oo Baadhaya Dilka Wiil Soomaali Ah Oo Magaalada Ottawa Lagu Dilay
February 13, 2018 - Written by Reporter:

Ottawa (W,N) – Booliiska dalka Canada ayaa bilaabay baadhitaano la xidhiidha Wiil Soomaali ah oo Axadii lagu dilay Magaalada Ottawa ee Dalka Canada.

2018213636540810242221340daaiu

Booliska waxaa ay sheegeen in ay waddaan baadhitaano cidda ka dambeysay dilka Cigaal Daa’uud oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaalida ee ku noolaa dalkaasi.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in Cigaal oo 30 Sano jir ah Meydkiisa laga dhex helay Gaadhi nooca Raaxadda ah.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in meydka Wiilka oo inka badan 24 saacadood uu dhex yaallay Gaadhiga Parkinka ku jiray ee lagu dhex dilay iyada oo aan ilaa hadda la ogeyn cidda dishay.

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Canada Sanadyadii lasoo dhaafay, waxaana ciidamada Booliska ay hore u sheegeen in dhalinyaradda Soomaalidu dhexdooda ay is dilaan.

COMMENTS
LINKS