Safiirkii Hore Ee Somaliland U fadhiyay Dalka Ingiriis Oo Si Qotodheer Uga Hadlay Shirkada Somaliland Investment Company Oo Hadal Hayn Badan Abuurtay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirkii Hore Ee Somaliland U fadhiyay Dalka Ingiriis Oo Si Qotodheer Uga Hadlay Shirkada Somaliland Investment Company Oo Hadal Hayn Badan Abuurtay,
February 13, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Safiirkii Hore Ee Dalka Ingiriiska Ufadhiyay Somaliland AMB Cali Aadan Cawaale ayaa si faah faahsan usharaxay Waxyaabaha Somaliland ay ka caawin karto shirkada Somaliland Investment Company  ee dhawaan lagaga dhawaaqay Magaalada Dubai ee Iskutaga Emaaradka taasi oo hadal haynteedu bulshada Somaliland ka dhex abuurtay dareeno kala duwan

Amb cai aadan cawaale oo qoraal uu shirkadan kaga hadlay iyo  Companyniga (DIFC) ayaa wxuu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebookga iyo kale amb cali ayaa talooyin muhiim ah usoo jeediyay xukuumada Somaliland oo la xidhiidha shirkada iyo sida arimaheeda loo fahansiin karo bulshada ,

 

HALKAN KA AKHRI QORAALKA AMB CALI AADAN CAWAALE ;

Bismillaah,

Somaliland Investment Company

Aan wax yar ka idhaado Shirkaddan aad loo hadal hayo maalmahan ee laga yagleelay UAE.

  • Sida magaca ka muuqata waa shirkad maal-gashi, waxay ku aasaasan-tahay shuruucda dalka UK!
  • Waxa leh Dawladda Somaliland 100%
  • Waxay ka diiwaan gashantahay suuqa caalamiga ah ee Dubai (DIFC)

DIFC yaa leh?

  • Waa xarun dhaqaale oo ku taalla Dubai UAE, waxana maamusha Dawladda Dubai, waxa lagu aasaasay shuruucda federaalka dalka UAE iyo Dubai. (DIFC is a Federal Financial Free Zone administered by the Government of Dubai, and established in accordance with United Arab Emirates Federal Law and by Dubai Law)
  • Waxay kulmisaa Baanan (Banks), Caymis (Insurance) Maaraynta hantida (Wealth & Asset Management), Maaraynta iyo suuqyada lacagta (Brokerage & Capital Markets), Bixinta Adeegyo Xeel dheer (Professional Services Providers), Xafiisyo shirkadeed (Corporate Offices), Ganacsi yaryar (Retailers).

Si kooban haddaynu maanka ula kaashanno qodobbada kor ku xusan iyo baahida Somaliland, innagoo maskax furan ku eegeyana waxay aniga iila muuqataa inay muhiim tahay inaynu xafiis caalamka inagu xidha DIFC ama London ku yeelanno, balse waxa muhiim ah intaynaan hawl kale gelin inayanu qabyo tirro shirkadda samaynteeda oo il iyo laf-ba ka dhammayno si aynu uga bedbaadno khilaaf ay abuurto.

Aniga waxay iila muuqataa inay muhiim tahay in asaaska shirkaddani ka bilaabmo gudaha dalka, Xukuumadduna aad uga dooddo uguna qanacdo dheefta ay qaranka u yeelan karto. Waxa kale oo muhiim ah inay si daah furan ula wadaagto hay’adaha kale ee qaran sida Sharci dejinta, xisbiyada iyo garsoorka. Waxa muhiim ah inay wasaaradaha ay khusayso (Maaliyadda, Maal-gashiga, Ganacsiga, Arrimaha Dibedda iyo Hanti dhawraha guud) ka mid noqdaan 5 xubnood oo ah Guddida Maaraynta (Board of Directors) iyaguna isla gartaan cidda hawsha maalinlaha ah qaban doonta. Board of Directors waa inu noqdo 3, 5 ama 7 xubnood tiro hal dheeri lahaan karta oo aan ahayn siyaasiyiin ee ah aqoon yahanno dhaqaalaha iyo sharciga ku xeel-dheer, kuwaas oo la shaqayn doona madaxweynaha iyo kaaliyeyaashiisa oo go’aannada waaweyn iska leh mar walba.

Dawladda waxa looga baahan yahay inay inta hawlaha qaranka u igman war ku filan ka siiso hawshan oo weliba wixii madmadaw ahna layska qanciyo.

 Waxay aniga ila tahay inaynu dhammaanteen si deggen uga talinno danta dalka oo aan lagu degdegin deedefeynta iyo mawaaqifka taban, balse marka hore la derso arrimaha sidan oo kale ah, dabeedna talo ku habboon laga bixiyo.

Ugu dambayn waxan usoo jeedinayaa masuuliinta dawladdu marka ay soo gaabinayaan (abbreviation) xarfaha magacan Somaliland ku jiro inay Somaliland u qaataan SL ee aanay qaadan S keliya si aanay ugu ekaan Somali Investment Company oo ay caalamku toos ugu qaldi karaan. SLIC ha loo soo gaabiyo magaca shirkaddan.

Qoraalkani waa aragtidayda gaarka ah ee ku aaddan Shirkadda kor ku xusan .

Halkan ka eeg DIFC warkeeda oo kooban.

https://en.wikipedia.org/wiki/Dubai_International_Financial_Centre

 

AMB CALI AADAN CAWAALE

 

COMMENTS
LINKS