Madaxweynaha jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Boqortooyada Dalka Denmark | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Boqortooyada Dalka Denmark
February 14, 2018 - Written by Editor:

Madaxweynaha jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Boqortooyada Dalka Denmark

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, shacbiga iyo boqortooyada Dalka Denmark, ka dib geerida ku timid Prince Henrik oo ahaa sayga Boqorada dalka Denmark, boqorad Margrethe.

Dalka Denmark oo ah dal aynu xidhiidh dhaw wada leenahay kana helno kaalmooyin kala duduwan oo ay ka mid tahay ta ay soo mariyaan sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Somaliland ee (Somaliland Development Fun) ee midawga yurub ka soo gala Somaliland iyo haday noqoto ta ay soo mariyaan hay’ada DANIDA oo ah hay’ad laga leeyahay Denmark. Waxaanu madaxweynuhu boqorada iyo shacbiga dalka Denmark uga tacsiyadeeyey geerida Prince Henrik oo da’a diisu ahayd 83 jir kuna geeriyooday Dalkaasi.

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

COMMENTS
LINKS