Halkan Ka Akhri; Magacyada Masuuliyiinta Wali Xilalka kusii Haya Degraytadii Siilaanyo, Oo Lafilayo In Madaxwayne Muuse Biixi Xilalka ka Qaado Amaba Dib Umagacaabo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri; Magacyada Masuuliyiinta Wali Xilalka kusii Haya Degraytadii Siilaanyo, Oo Lafilayo In Madaxwayne Muuse Biixi Xilalka ka Qaado Amaba Dib Umagacaabo.
February 14, 2018 - Written by Editor:

“Duca Qabayaal Xilka Qaranku Waa Meerto Waxaanan Idiinka Mahadnayqayaa  Mudadii Aad  Qaranka Usoo Shaqayseen”

HARGAYSA (W,N) Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Xilka Madaxwaynenimo kala Wareegay Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Axmed Silaanyo Maalin ku  Taariikhaysan 12/12/2017, Wuxuuna Maalmo kooban Ka dib ku dhawaaqay Liiska Golihiisa Wasiirada Cusub oo ka kooban 33 Xubnood oo iskugu Jira Wasiiro Iyo Ku xigeeno.

YES WAALA YAABAY

Sidoo kale Madaxwayne Muuse Biixi ayaa  Wuxuu Magacaabay Qaar ka mida Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha &   Haayadaha Dawlada Ee Madaxa Banaan Iyo Badhasaabada Gobolada Dalka Badi.

 Dhanka kale Wali Waxaan Dhamaystirnayn Dhismaha  xukuumada cusub Ee Muuse Biixi Magacaabayo Oo wali ay xilalka Qaranka Hayaan Xubno ku Magacaaban Degrootooyinkii Madaxwaynihii Hore Ee uu Xilka Kala Wareegay Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ku waasi oo bulshada Reer Somaliland Iyo Xubnihi Safka Hore kaga jiray Guusha Xisbiga kulmiye ay Raajicinayaan in xilalkaa Loo Magacaabo laguna badalo masuuliyiin mudada badan shaqaynaya si loo dardar galiyo habsami usocodka hawlaha qaranka.

Sidoo kale Xubnahan kusii magacaaban Degraytadii Hore ayaa Rajaynaya In Uu Madaxwayne Muuse Biixi Xilalka u daayo  Dibna Ugu soo  Magacaabo Boosaska ay hada Joogaan, kuwaasi Oo Iskugu Jira Agaasimayaal, Gudoomiyayaal, Haayadaha Madaxa banaan Iyo Badi Taliyayaasha Ciidamada kala Duwan Ee Somaliland.

Halkanka Akhri Liiska Xilalka Kusii Haya Degraytadii  M, Siilaanyo Ee Lafilayo In Madaxwayne Muuse Biixi Xilalka ka Qaado Halka Xubno Kamid Ahina ay Rajaynayaaan  In Uu Xilalka ay Hayaan  Dib Ugu Magacaabo;

Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Qaranka

GEN Cabdilaahi Fadal Iimaan

GEN Nuux Taani

GEN; XUDHUUN IYO Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Jaamac

Maareeyaha Wakaalada Biyaha

Mareeyaha Tvga Qaran Khadar Maxamed Cakule .

Agaasimaha Wasaarada Maaliyada

Agaasimaha Wasaarada Madaxtooyada Khadra Xaaji Gaydh

Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye

Agaasimaha Wasaarada Beeraha Maxamed Aadan (Ilkacase)

Agaasimaha Wasaarada Shaqo Galinta Iyo Arimaha Bulshada Sahra Maxamed Xuseen (Sahra Basbaaso)

Agaasimaha Wasaarada Hawlaaha Guud Mukhtaar Maxamed Cali

Agaasimaha Wasaarada Cadaalada Jaamac Axmed Cali

Agaasimaha Wasaarada Biyaha Cabdirisaaq Jaamac Nuur

Agaasimaha Wasaarada Macdanta Siciid Axmed Jibriil

 Si kastaba ha ahaatee Waxaa Lagama Maarmaan ah Si Dardar loo Galiyo Habsami u Socodka Shaqo Ee Qaranka in Uu Sameeyo Magaacaabis cusub si uu u Dhamaystiro Xukuumadiisa cusub Taas oo Wali ka Dhursugayaan shacabka Somaliland, dhanka kalana waxaa  lagama maarmaan ay  tahay in uu xubnahan wali ku magacaaban digraytadii madaxwaynihii hore Ay ku joogaan wali Dhaartii hore ee xukuumadii hore iyada oo ay muhiim tahay in masuuliyiin cusub loo soo magacaabo ama masuuliyiintan hore dib loo magacaabo loona  dhaariyo qaran sida dastuuuriga ah.

 waxaana laga dhursugayaa Talaabada Uu Qaado Madaxwayne Muuse Biixi Maalmaha Soo Socda.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE XAMSE JIRDE

COMMENTS
LINKS