Real Madrid Oo Santiago Bernabeu Guul Kaga Gaadhay PSG | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Madrid Oo Santiago Bernabeu Guul Kaga Gaadhay PSG
February 14, 2018 - Written by Reporter:

Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu guul mihiima kaga gaadhay PSG Inkasta oo ay PSG gool kaga hor martay Real Madrid ayay haddana kooxda Zinedine Zidane muujisay awooda iyo kartida ay ku leedahay tartankan waxaana gool rekoodhe ahaa Madrid barbaraha ugu keenay Cristiano Ronaldo.

493858CC00000578-5392543-image-a-70_1518644284673

Dhamaadkii ciyaarta iyada oo la filayay in barbaro ay ku dhamaanayso ayay Real Madrid duufaano ku qaaday PSG waxayna la timid laba gool oo deg deg ah iyada oo Ronaldo iyo Marcelo ay goolashan dhaliyeen waxayna PSG ku fashalintay in ay wax natiijo fiican ah ka hesho kulankan.

Real Madrid ayaa kulanka lugta labaad iskeeni doonta iyada oo kalsooni dheeraad ah hadda ku qabta in ay u soo bixi karto wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions league halka PSG ay shaqo culusi ku sugayso garoonkeeda haddii ay doonayso in ay ka soo kabsato guuldarada Bernabeu ku soo gaadhay.

Real Madrid ayaa doonaysay in ay iyada oo ka faa’iidaysanaysa jamaahiirta iyo garoonkeeda in ay natiijo fiican ka sii hasho kulankan laakiin kooxda martida ahayd ee PSG oo maanka ku haysay sida ay kooxdeeda muhiimad  wayn ugu yeelan karto haddii ay guul kulankan sii gaadho ayaa dhinaceeda natiijo fiican ka raadinaysay.

Kulankan ayaa ku bilawday kala cabsasho iyo taxadar badan oo ay labada kooxood ka samaynayeen difaaca iyaga oo ga’aansanayay wakhtiga ay tahay in ay weerar qaadaan iyo wakhtiga ay waajib ku tahay in ay si wadar ah u difaacdaan waxayna taasi ciyaarta ka dhigtay mid aan markiiba furan.

DAQIIQADII 6 AAD Real Madrid ayaa heshay fursad ay goolka furitaanka xili hore kula iman gaadhay iyada oo Toni Kroos uu darbad ku tuuray goolka PSG laakiin goolhaye Areola ayaa kubbada joojiyay halka Marquinhos dirqi kubbada kaga saaray xerada ganaaxa kooxdiisa.

DAQIIQADII 28 AAD Real Madrid ayaa soo qaaday weerar deg deg ah iyada oo Marcelo uu kubbada u bixiyay Ronaldo kaas oo u dhawaaday in uu dhaliyo goolka ay labada kooxood sida wayn ugu tartamayeen ee furitaanka laakiin goolhaye Areola ayaa markale Ronaldo iyo Madrid goolkan ka beeniyay.

DAQIIQADII 33 AAD PSG ayaa neefta dib ugu celisay Bernabeu kadib markii uu Rabiot si degan kubbada uga dhex darbeeyay xerada ganaaxa Real Madrid si uu udhaliyo goolka furitaanka ee kulankan iyada oo Mbppe uu kubbada la ciyaaray Neymar laakiin Nacho oo xidiga reer Brazil kubbada ka difaacay ayaa arkay Rabiot oo shabaga gaadhay waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay PSG hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 38 AAD Casemiro ayaa gool cadaan ahaa ka badbaadiyay kooxdiisa Real Madrid kadib markii uu Neymar Jr kubbada la soo dhex orday ciyaartoyda Real Madrid isla markaana uu Cavani ugu dhex dhiibay xerada ganaaxa Madrid laakiin darbad uu Cavani u muuqday in uu ku dhalinayo goolka labaad ayuu Casemiro isku dhigay si uu halista u daboolo.

DAQIIQADII 44 AAD Karim Benzema ayaa ugu dhawaaday in uu dhaliyo goolka barbaraha ee ciyaarta kadib markii uu Marcelo ka helay karoos halis ah laakiin goolhaye Areola ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah. Benzema ayaan nasiib u yeelan in uu fursadan gool ku dhaliyo.

DAQIIQADII 45 AAD ee dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta Real Madrid ayaa lagu abaal mariyay rekoodhe kadib markii uu Lo Celso uu dib u soo jiiday Kroos kaas oo markiiba dhulka isku tuuray si uu kooxdiisa ugu guulaysto rekoodhe muhiimad khaas ah ciyaarta ugu lahaa, wuxuuna markiiba garsooruhu tilmaamay gool ku laad.

DAQIIQADII 45 aad Cristiano Ronaldo ayaa kubbada qaatay wuxuuna rekoodhaha kooxdiisa lagu abaal mariyay uu dhaliyay goolka barbaraha isaga oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah waxayna ahayd xaalad Los Blancos aad muhiim ugu ahayd ka hor wakhtigii nasashada loo baxayay.

Goolkan ayaa ahaa goolkii 100 aad ee uu Cristiano Ronaldo kooxdiisa Real  Madarid uga dhaliyay UEFA Champions League waana xidigii ugu horeeyay ee rekoodhkan gaadhay, wuxuuna Madrid ciyaarta dib ugu soo celiyay goolka uu rekoodhaha ku dhaliyay iyada oo lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay labada kooxood soo laabteen iyaga oo raadinayay goolal labaad si ay guul u gaadhi karaan laakiin daqiiqadii 49 aad PSG ayaa markiiba ku dhawaatay in ay hesho goolka labaad iyada oo Lo Celso uu kubbad u sii daayay Neymar jr laakiin xidiga reer Brazil ayaa Mbappe siiyay fursad gool dhalineed balse Keylor Navas ayaa kooxdiisa fursadan halista ahayd ka badbaadiyay.

Markale ciyaarta ayaa noqotay mid ay koox kastaaba si wayn uga taxadaraysay in goolal laga dhaliyo in ay samayso qaladaad difaac oo halis galin kara waxayna taasi markale keentay fursad abuurista gool dhalineed ay yaraato.

DAQIIQADII 66 AAD Unia Emery ayaa ciyaarta ka saaray Cavani wuxuuna kaydka uga ka soo kiciyay Meunier  wuxuuna Zidane laba daqiiqo kadib kaga jawaabay in uu Karim Benzema soo qabtay wuxuuna ciyaarta soo galiyay Gareth Bale.

DAQIIQADII 73 AAD Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa gool cadaan ah oo ay PSG heshay waxa uu u badbaadiyay si cajiib ah kadib markii kubbad koorne ahayd oo uu Neymar soo tuuray uu Marquinhos isku dayay in uu goolkan ku dhaliyo laakiin waxa uu ku fashilmay in uu darbo fiican sameeyo balse Kimpembe ayaa u muuqday mid goolka labaad ee PSG dhalinaya laakiin Ramos ayaa kooxdiisa halis layaableh ka badbaadiyay.

DAQIIQADII 79 AAD Zidane ayaa kaydka hal mar uga wada yeedhay Lucas Vázquez  iyo Marco Asensio wuxuuna saaray Casemiro iyo Isco waxayna wakhtigan Madrid dareemaysay cadaadis kaga imanayay  waxayna Real Madrid bilawday in ay dib isku habayso.

DAQIIQADII 83 Real Madrid ayaa heshay goolkeeda labaad ee ay PSG xaalad xun ugu abuurtay wakhti ay ciyaartu dhamaad ku dhawayd iyada oo Marco Asensio uu darbad joog hoose ah ku tuuray goolka PSG laakiin kubbada uu Areola iska joojiyay ayaa lugta bidix kaga dhacday Ronaldo wuxuuna sidaa xidiga reer Portugal ugu dhaliyay goolkiisa laabad ciyaarta isaga oo ka dhigay 2-1 ay Los Blancos ku heshay gool muhiimad wayn u leh xili ciyaareedkeeda.

DAQIIQADII 86 AAD Marco Asensio  ayaa saamaynta layaabka leh ee uu ciyaarta la soo galay waxa uu isla markiiba caawiye ka noqday goolka saddexaad ee ay Real Madrid isla markiiba heshay iyada oo Marcelo uu PSG isaga oo ciyaarta ka dhigay 3-1 ay si deg deg ah oo laayableh Madrid hogaanka ciyaarta laba gool ugu qabtay.

Xaalada PSG ayaa noqotay mid isku dhex yaacday inkasta oo ay ka hor goolka labaad ee Real Madrid ahayd goolka laga filayay goolal laakiin isbadalka uu Zidane sameeyay gaar ahaan Marco Asensio ayaa noqday farqiga labada kooxood.

DAQIIQADII 88 AAD Mbappe ayaa helay banaan uu ku dhalin karayay goolka labaad ee PSG laakiin goolhaye Navas ayaa badbaadin fiican sameeyay si ayna PSG gool laabad oo marti ah u helin.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Real Madrid oo guul ka gaadhay PSG iyada oo waliba daqiiqadihii ugu danbeeyay la timid laba gool oo ay xaalada ugu xumaysay PSG oo gool kaga hor martay qaybtii hore ee kulankan, waxayna Real Madrid kulanka Paris iskeeni doontaa iyada oo kalsooni wayn ka qabta in ay u soo baxdo wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions leage.

COMMENTS
LINKS