Mashruuca Biyo Galinta Wajaale Oo U Muuqda Inuu la Mid Yahay Mashruucii Xumbo Wayne | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mashruuca Biyo Galinta Wajaale Oo U Muuqda Inuu la Mid Yahay Mashruucii Xumbo Wayne
February 16, 2018 - Written by Editor:

RAJO XUMO KA MUUQATA MASHRUUCII BIYO GALINTA DEGMADA Tog WAJAALE

Mashruuca biyo galinta ee degmada wajaale ayaa u muuqda mashruuc la mid ah mashruucii xumbo wayne ee biyo balaadhinta caasimada hargeysa oo dhawaan wasiirka biyaha somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore uu  sheegay inuu yahay mashruuc fashilmay.

Labadan mashruuc waxay ka mid ahaayeen mashaariicdii ay sii bilowday xukumadii Madaxwayne Siilaanyo.

Mashruucan biyo galinta degmada wajaale oo loo tallo gallay in laga soo qaado deegaanka botor oo 24km u jirta magaalada wajaale ayaa laga qoday laba ceel oo loogu tallo gallay in ay noqdaan ceelasha waraabin doono degmada wajaale.

Sida warar xogogaal ah noo xaqiijiyeen, biyaha laga heli karo labadaa ceel ayaa ah biyo aad u yar oo ay adag tahay inay kafayn karaan biyaha ay degmadu u baahan tahay.

.labadan ceel waxay maalin walba soo saaraan biyo aan ka badnayn 10 booyadood oo kaliya. 

Wakhitigii la bilaabay mashruucan waxa ka hadlay gudoomiyihii degmada ee wakhtigaasi Mudane Cabdicasiis Saleebaan ayaa sheegay in wax laga badalo qaabka mashruucan loogu tallo gallay, si aanay u dhicin in uu noqdo mashruuc fashilma, Walow masuukaasi laftiisu aanay ujeedadiisu ahay biyo galinta oo lasaxo hadana waxaa muuqata xiligan in biyo galinta magaalo ganabsiyeedka tog wajaale ay usaan saan eegtay mashruucii biyo balaadhinta caasimada hargaysa ee fashilmay.

dadwaynaha degamada wajaale ayaa ka warsugaya natiijada mashruucan biyo galinta,

Aragtida Muwaadinka

 

COMMENTS
LINKS