War bixin:-Waa Maxay U Jeedada Baraha Bulshada Ee Facebook Aan U Isticmaalno?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War bixin:-Waa Maxay U Jeedada Baraha Bulshada Ee Facebook Aan U Isticmaalno?.
February 18, 2018 - Written by Wariye:

Hargeisa(wjn):-In ka badan 3 bilyan oo qof ayaa isticmaala warbaahinta bulshada adduunka. 3 bilyan. Iyada oo ay sabab u tahay isticmaalka baahsan, siyaabaha aynu u xiriiri karno – asxaabta, qoyska, shaqaalaha, shisheeyaha – isbadelada ku dhacay dhaqalaaha iwm.

Ma dooneyno in aan ku falanqeyno in warbaahinta bulshada in ay tahay mid wanaagsan ama mid xun. Warbaahinta Bulshada, iyada oo ay ku jirto tiknoolajiyad kasta oo inaynu helno xidhiidhada kala duwan ee hawada layska waydarsado ayaan loo isticmaalnaa tiknoolajiyadd kasta oo inoo surta galinaysa waxa aan u baahan nahay.
Aan eegno Facebook. Si aad fikrad u siisid sida Facebook ga u Isticmalaan bulshadeenu, tixgeli ama u fiirso tirakoobkan: qiyaastii boqolkiiba 90 ee dhammaan da’doodu tahay 18-29 ayaa leh ciwaan Facebook ah. Tani waa tiro aan caadi ahayn.
Hadaba sobobaha dadka ugu badan ee isticmaala facebooka waxa lagu sobobeeyay sidan
1 marka ay galaan dugsiyada waxbarashada
2 marka ay jamacadaha ka qalin jabiyaan
3 wakhtiga ay lamaane raadsanayaan
4 marka ay iska badalayaan shaqooyinka
5 xiliga ay guurdoonka yihiin
Ma ahan wax la yaab leh, Laakin  warbaahinta bulshada ayaa si weyn u saameyn karta xidhiidhkeena, shakhsi ahaan iyo xirfad ahaan labadaba.
Mar labaad, halkan uma joogno inaan ka doodno ama ku falanqayno faa’iidooyinka iyo khasaaraha warbaahinta bulshada.
Laakiin warbaahinta qarkeed ayaa sibkhaldan u baahisa macluumaadyadda kala duwan ee ay helaan sida dadka shaqooyinka laga eryay warqadaha furniinka guurka iyo siraha kala duwan ee bini adamka
hadaba dadka sidaasi waxa u baahiya ayaa waxa lagu sobobeeyay in ay yihiin dad aan masuuliyaddi saarnayn .
Hargeisa office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdulkadir Habane

COMMENTS
LINKS